4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Xaflad taageero ah oo Magaalada Atlanta, Georgia lagu qabtay Madaxweynaha cusub ee Soomaalia


Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) - Xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka qeyb galeen shacab tiro badan, ayaa dhawaan lagu qabtay Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia.

Munaasabada oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga Somali American Community ee magaalada Atlanta, ayaa waxaa lagu qabtay Hool-ka shirarka kulliyad farsamada ee Machadka Georgia Piedmont Technical College oo ku yaallo xaafadda Clarkston ee degmada DeKalb.

Dadweyne badankoodu ku labisnaa calanka Soomaaliya, Aqoonyahano, Ganacsato, Guddiga Ciyaaraha, guddiga Jaaliyadda iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa Duqa Clarkston Ted Terry, ayaa ka qeyb galay xafladaas oo dadkii ka hadlay badankoodu ay ammaan iyo talo u jeediyeen madaxweynaha cusub ee dalka.

Mayor Ted Terry, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda wuxuu marka hore Hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Md. Maxamed C/laahi Farmaajo; isagoona ammaanay qaabkii ay u dhacday doorashadii Somalia, kana codsaday shacabka Soomaaliyeed iney u midoobaan nabadda dalkooda.

Sidoo kale mar uu ka hadlaayay Qaxootiga ku nool xaafadda uu Duqa ka yahay ee Clarkston oo ah halka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee dagan magaalada Atlanta, ayaa wuxuu ugu baaqay iney la midoobaan dadka kale ee Mareykanka ah. Ayna ka shaqeeyaan horumarka iyo mustaqbalkooda.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta Eng. Cumar Shiiqeey, Madaxa Guddiga Ciyaaraha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee gobolkaan Dr.Cali Cusmaan Cali iyo Ganacsade Maxamed Suufi Abasheekh oo hadalo kala duwan ka jeediyay munaasabadaas, ayaa u rajeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya guul iyo horumar. Waxeyna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in taageero loo fidiyo Dowladda cusub iyo waliba dadka ay saameeyeen abaaraha ka jiro Soomaaliya.

Sheikh Cabdinaasir Warsame oo isagana ku hadlay Afka Culumada Soomaaliyeed ayaa u diray madaxweyne Farmaajo, fariin ku saabsan inuu dalka ka bilaabo dib-u-heeshiisiin qaran. Una wax ka qabto xuduudaha Somalia ee dhinaca Badda iyo barigaba.

Kaliya ma ahan gobolkaan Georgia halka ay ka dhaceen Munaasabadaha soo dhaweynta ah ee loo sameeynaayo Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Dhawaanahaan waxey xafladdo sidaan oo kale ah ay ka dhaceen gobolada Mareykanka qaarkood, sida;- Kentucky, Tennessee iyo Minnesota. Halka gobolo kalana la sheegay iney hadda ka socoto qaban-qaabada munaasabada kale oo soo dhaweyn ah.

Ugu danbeyntii, dhinaca kalexafladahaan oo qarashaad badan ay ku baxaan, ayaa waxey ku soo beegmayaan xilli Somalia ay ka jirto abaar aad u daran oo saameysay dadka iyo duunyaddaba.