4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Wasiirka Amniga SL “Anigu imika wariye uma aqaan Coldoon sababtoo ah hawlo kale oo badan ayuu galay”

Isniin, Feberaayo, 20, 2017 (HOL) Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Wariye Coldoon u aqoonsaneyd suxufi, balse isku bedelay samafale imika noqday siyaasi olola ka dhex waday doorashaddii Soomaaliya ku soo gabogabowday.

Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse ayaa sheegay inu u Cabdimaalik Muuse Coldoon uu qirtay in uu si toos ah u taageerayey musharax ka mid ah musharaxiintii, isla markaana markii uu soo noqonayey aanu cafis soo waydiisan xukuumada.

Waxaa uu yiri“ dadkeena halkaasi taga marka khaladka galaan nimankaasi iska balag doonka ah ee kolba dhinac u cararayaa, markay tagaan Muqdisho muddo ka dib ayey cafis soo qoran jireen, isagoo cafiskii soo qoran ayuu madaarka aayar iskaga soo degay, kadibna sidaas ayaa lagu xidhay”.

Wasiirku waxaa uu sheegay in qofka Soomaaliya tagaya ama ka imanaya looga baahan yahay inu u sito Passpor dal ku gal, isla markaana haddii uu arrimo siyaasadeed u tago uu cafis soo qoran karo.

Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maxkamadda degmadda Hargeysa u jartay toddoba cisho oo rumaan ah,inta la diyaarinayo dacwadiisa, waxaana xukuumaddu ku eedeysay inuu Muqdisho u tagay inuu kala taageero musharaxiintii doorashadda Soomaaliya kala taageero.

Sidoo kale, ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegtay in aanay u doodi doonin Wariye Coldoon iyo wariyeyaasha kale ee Soomaaliya taga,isla markaana ku dhexmilma siyaasaddaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirku waxaa uu kahadlay shaqaaqo maalmo ka hor ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn oo laba beelood hore iskugu dirireen, isla markaana dablay hubaysani laba qof ku dhaawaceen.

“Waxay daba socotay dhibaatooyin hore uga dhacday, taas oo aanu ku soo afjarnay waxaana ku soo dhamaynay in marka uu Roobku da’o la isku iman doonno, waayo abaar xun baa meesha dhacday, halkaasi ayey noogu xidhnayd, habeen dhowayd baa woxooga qalalaase ahi ka dhaceen,’’ ayuu yiri wasiiru-dowlaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland