4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Waan ku Taageerayaa Sidii Haweenku ay ku heli lahaayeen Qoondadooda: Madaxweyne XASAN
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Daah-furay Shir heer Qaran ah oo Haweenka ay kaga Arrinsanayaan Hir-gelinta Qoondada 30% ah ee ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhawaan dhici doonta.

Khudbad uu Madaxweynuhu kulankaas ka jeediyay, ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka Wadajirka ah ee ay Dumarku ku doonayaan inay Siyaasadda Dalka, Hoggaanka iyo Dib u dhiska kaalin ugu yeeshaan.

“Haweenka waxay door ku leeyihiin Dalka, mana jirto cid xaqiri kara Xuquuqdooda. Waxan idin kula talinayaa inaad xuquuqdiina ku raadsataan waddo nadiif ah oo wax dhisaysa, lagana fogaado qabiilka siyaasadeysan iyo in bulshada loo kiciyo qalad, waayo tallaabooyinkaas oo dhan waxay Horseedi karaan Colaad , Burbur iyo dib u dhac,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa xusay inuu doonayo in doorashooyinka dalka ka dhici doona dhawaan ay noqonayaan kuwo xor ah, cadaalad ku dhisan isla markaana kalsoonida shacabka haysta.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in wax badan la Qabtay Afartii Sanno ee lasoo dhaafay, laakiin uu qirayo in Soomaalida ay istaahilan, xaqna u leeyihiin inay helaan nolol iyo horumar ka ballaaran midka ay hadda haystaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya