4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
SAWIRRO: Shariif Sh. Axmed oo dib u dhigay ku dhawaaqida Musharraxnimadii Madaxweynaha
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sh. Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dib u dhigay ku dhawaaqida musharraxnimadii madaxweynaha, kaddib hadal uu u jeediyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa.

Shariif Sh. Axmed oo maanta la filayay in uu Musharaxnimadiisa kaga dhawaaqo Muqdisho, ayaan la ogeyn sababta uu dib ugu dhigay, iyadoo lagu wado in si rasmi ah uu ugu dhawaaqo musharraxnimadiisa maalmaha soo socda.

Dadweyne fara badan ayaa soo dhaweeyay Sh. Shariif oo muddo dalka ka maqnaa, kuwaasoo watay Boorar iyo Sawirradiisa, isagoo markii uu yimid uu shacabka isaga taageersan la qaatay kulan uu uga warbixinayay dib u soo laabashadiisa.

Imaatinka Sh. Shariif ee Muqdisho ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli la filayo in maalmaha soo socda ay Somalia ka billaabato soo Xulista Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka cusub ee dalka.

Ugu dambeyntii, Sheekh Shariif ayaa wuxuu ku biiri doonaa musharraxiinta xilligaan u taagan madaxweynaha Somalia, isagoo horay looga adkaaday doorashadii 2012-kii dhacday, waxaana kaga guuleystay madaxweynaha hadda xilka haya Xasan Sh. Maxamuud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya