4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Al-shabaab oo sheegtay in Tiro Askarta Kenya ah ay ku dishay Weerar ay ku Qaaday Xero Booliis
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay lix ka tirsan askarta Kenya ay ku Weerar ay maanta ku Qaadday saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Haamey oo ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari ee Dalka Kenya, ayna weerarkaas ku soo furteen gaari dagaal oo ay lahaayeen booliiska Kenya.

Saraakiisha Al-shabaab oo la hadlay Warbaahintooda ayaa sheegay in xoogagooda weerarka qaaday ay la wareegeen saldhigga booliiska Hoomey, mana sheegin khasaare dhankooda ka soo gaaray weerarkan.

Balse, War ay soo saareen booliiska Kenya ayay ku sheegeen in saddex askartooda ka mid ah ay ku dhaawacmeen Weerarkaas, kuwaasoo laba ka mid ah lagu Daweynayo Isbitaal ku yaalla deegaanka Dhadhaab, halka askari kale oo xaaladiisu liidatana loo qaaday magaalada Nairobi.

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa intaas ku daray in laba ka mid ah askartooda lagu waayay weerarka meel ay jiraanna aan la ogeyn, iyagoo aan bixin faahfaahinno ku saabsan gaariga ay Al-shabaab qabsatay iyo hub la sheegay inay saldhiggaas kala baxeen.

Dhanka kale, Goob-joogayaal ku sugan deegaanka Haamey oo weerarka lagu qaaday, ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay saldhigga gubeen, ayna halkaa kala baxeen gaari kuwa ciidamada ah iyo hub aan cadadkiisa la ogeyn.

Ugu dambeyn, Saldhiggaan la Weeraray ayaa la sheegay in xilliga xooagga Al-shabaab ay Weerarkaan ku qaadayeen ay ku sugnaayeen 14-askari oo ka tirsanaa Booliiska Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya