4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Abaaro Daran oo laga soo sheegayo Deegaano ka tirsan Puntland

/images/2016/Sept/
Sawirka :Degmada Godob-jiiraan


Khamiis, September 22, 2016 (HOL) —Maamulka degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay abaaro xoogan oo ku dhuftay qaybo kamid ah degmada iyo tuulooyin hoos taga degmada Eyl ,waxaana la soo sheegaya in dad badan ay ku barakaceen abaarahan.

Gudoomiyaha degmada Godob-jiiraan Yuusuf Maxamed Faarax ayaa sheegay in gar-gaar deg deg ah ay u baahan-yihiin boqolaal qof oo ka mid ah dadka degmada iyo waliba kuwa ka soo qaxay miiga fog ee gobolka Nugaal.

“Runtii xaalad adag oo indhaha aan laga qabsan karin ayaa ka jirta degmada ,marwalbana cabashadeena ku aadan biyo la’aanta iyo cunta yarida ka jirta deegaanka waxaan u gudbinaa maamulka iyo hay’adaha ku shaqada leh ,balse lagama jawaabo” ayuu yiri Faarax.

“Waxaan jiray balan-qaadayo naloo sameeyay oo ku aadan in biyo dhaamis laga sameeyo halkan ,balse ma jirin cid noo timid oo arintaas naga caawisay “ ayuu mar kale yiri mas’uulkan oo tilmaamay in xaalad bini’aadinimo oo halis ah ay halkan ka jirto.

Maamulka degmada Godob-jiiraan ayaa sidoo kale sheegay in xoolo badan ay u dhinteen biyo la’aan muddo gaaban gudaheed ,waxaana laga digay in khasaaraha abaarta ay sii kororto hadii aan wax laga qaban.

Ugu danbayn,Guddiga gurmadka abaaraha Puntland oo ay hor-kacayaan culumaa’udiinka gobolka Bari ayaa dhawaan booqasho ku tagay deegaano ka tirsan Puntland oo ay abaartu ku dhufatay ,waxaana la soo sheegayaa in uusan jirin gar-gaar ah rasmi ah oo meelaha qaar gaaray.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]