4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Tirada dadkii ku dhintay Doon ku dagtay Badda Mediterranean-ka oo korortay iyo kuwo la la’yahay
/images/2016/Apr/2016418635965594988042062Tahriibayaal_ay_dooni_la_dagtay_660.jpgKhamiis, September 22, 2016 (HOL) — Wasiirka Caafimaaadka Dalka Masar ayaa sheegay in tirada dhimashada Doontii ku degtay Badda Mediterranean-ka ee Magaalada Rosetta ay 42 qof ay gaarayaan hadda.

Wakaaladda Wararka Masar, Doontaas Qallibantay waxay siday 600 boqol oo ruux, kuwaas oo la Tilmaamay inay u kala dhasheen Dalalka Suuriya, Masar iyo kuwo kale oo Afrikaan ah.

Sidoo kale, Doontan qallibantay, ayaa la sheegay inay kasoo baxday Kafr El-Sheikh oo ku taalla dalka Masar,waxaana Booliiska Masar ay sheegeen inaysan garaneyn halkii ay ku socotay.

Wararka ayaa sheegaya in boqollaal ka mid ah dadkii Doonnidaas waday weli la la’yahay dhismasho iyo nolol, laguna jiro baadi-goobkooda, waxaana la sheegay in tahriibayaashaan ay ku socdeen dalalka Yurub.

Doontaan oo dagtay shalay, ayaa yimid Laba Casho kaddib markii Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah El-Sisi oo ka Qaybgalay Shirkii Qaramada Midoobay uu u sheegay Madaxda QM in Arrimaha la xiriira Socdaalka Qoxootiga ah laga dhigo Ajandaha ugu sarreeya ee leh mudnaanta koowaad.

Ugu dambeyn, Illaa iyo hadda ma cadda in dadkaasi ku waxyeeloobay doontaasi ay ku jiraan dad Soomaali ah, waxaana lagu waramay in la badbaadiyay tiro badan oo ajaanib ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya