4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Afar boolis ah oo la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen kadib weerar Al-Shabaab soo qaaday

 


Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Afar booliska Kenya ka tirsan ayaa la la' yahay kadib markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig boolis, degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

 

Kadib is rasaaseyn dhex martay dableyda iyo biliiska ayaa waxaa la sheegay in 2 booliska ka tirsan ay dhaawacmeen, afarta kalena la waayay, nolol iyo geerina aan toona lagu heyn iminka oo aanu warbixintaan qoreyno.

Dableyda ayaa la sheegay in ay saldhiga hub ka qaateen iyo gaari nooca Land Cruiser-ka ah. Weerarka ayaa ka dhacay saldhigga booliska ee Amei.

Labada askari ee biliiska ah ee dhaawacmay ayaa la sheegay in dhaawacyo halis ah ay soo gaareen deedna loo soo duuliyay Nairobi Kenya si loogu dabiibo.

Askarta booliska ee GSU ayaa lagu soo waramayaa in halka weerarku ka dhacay la geeyay si weeraro dheeraad ah looga digtoonaado.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]