4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Madaxweynihii hore ee oo Muqdisho kusoo wajahan iyo Warbaahinta oo laga hor-joogsaday Garoonka
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu soo gaaro Muqdisho, waxayna ku soo beegmaysaa xilli maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka hor-istaageen in Warbaahintu ay shaqo u tagaan garoonka diyaaradaha Muqdisho muddo lixdan casho ah.

Guddi qaabilsan soo dhaweynta Sh. Shariif oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia ayaa labadii Maalmood ee la soo Dhaafay ka waday Muqdisho diyaar-garow lagu soo dhaweynayo Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Smalia ayaa loo diyaariyay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo kala duwan oo lagu soo dhaweynayo oo ay ku jiaan kuwo lagu ammaanayo, iyadoo Waddooyinka Muqdisho Qaarkood la suray Sawirrada - Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Waxaa socda qorshe lagu sugayo amniga madaxweynihii hore ee Somalia; iyadoo ay Tani kusoo beegmayso, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay kasoo saaray Muqdisho Warbixin uu ku sheegayo in amniga musharxiinta la surayo.

Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ - ayaa Cambaareeyay warbixin kasoo baxday xafiiska maareeya Amiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Cabdi Abshir oo lagu sheegay in suxufiyiintu aysan shaqo u imaan karin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho muddo li maalmood ah.

NUSOJ, ayaa Amarkaan ku Tilmaamay mid lagu hor-joogsanayo hawlaha Suxufiyiinta ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ah mid Xad-gudub weyn ku ah Xorriyatul Qowlka, inkastoo aysan weli maamulka garoonku ka hadlin amarkaan iyo sababta ay u soo saareen.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia, ayaa lagu wdaa inuu marka uu soo gaaro Muqdisho uu ku dhawaaqo inuu yahay Musharraxnimadiisa Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo mar kale la tartamni doona Xasan Sheekh oo kaga guuleystay doorashadii 2012-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya