4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Dadka u ololeeya xaquuqul insaanka oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dil loogu geystay Mombasa 3 gabdhood

Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Dadka u ololeeya xaquuqul insaanka ayaa cadaadis dawlada Kenya kusaaraya in baaritaan lagu sameeyo dilkii loo geystay 3 gabdhood oo Soomaali ahaa 11kii bishaan magaalada Mombasa.

Waxay dalbanayaan dadkaa u dhaqdhaqaaqa xaquuqul insaanka in baaritaan dhab ah oo madax bannaan lagu sameeyo dilkaa. Booliska ayaa toogasho ku dilay gabdhahaa kadib markii ay weerareen saldhig boolis, waa sida hadalka loo dhigaye.

Al-Amin Kimathi oo ah nin u dhaqdhaqaaqa xaquuqul insaanka gaar ahaan dad Muslimiinta ah xaquuqdooda ayaa sheegay in loo baahan yahay in runta la taabo galiyo ayadoo looga gol leeyahay in lasoo afjaro kiisaska dadka sida sharciga ka baxsan loo dilo.

Hadalkiisa ayaa imaanaya ayadoo mid ka mid ah muuqaalo fiidiyow ah oo dhacdadaa la xiriira uu soo baxay kaasoo muujinaya boolis tooganaya mid ka mid ahayd 3 gabdhood oo gacmaheeda sare u taageysa oo is dhiibeyso.

'Markii aad eegto fiidiyowgaa, waa la yaab inaanu mushaar siino booliis dil geysta', sidaa waxaa yiri Peter Kiama oo ah agaasimaha guud ee ururka madaxa bannaan ee sharciga ee IMLU.

Ururada xaquuqul insaanka ee KNCHR, Haki Africa iyo MUHURI ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka dad la waayay iyo dilal.

MUHURI ayaa sheegay in 3da gabdhood labo ay walaalo ahaayeen mida kalena ay saaxiib la ahayd ayaga ayna waxba galabsan fasalka afraad ee dugsiga sarena ay dhammeeyeen sanadkii la soo dhaafay.

MUHURI wuxuu ku eedeeyay booliska in si been abuur ah uu u sheegay in gabdhahaasi damacsanaayeen inay is qarxiyaan.

Guddoomiya MUHURI Khalef Khalifa ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday warbixin boolisku kiiskaa dhawaan kasoo saaray kaasoo boolisku ku sheegay in gabdhuhu damacsanaayeen inay isku qarxiyaan saldhigga booliska.

Khaliifa ayaa dalbaday in la tuso jaakad ay sheegeen in gabdhahaasi damacsanaayeen inay isku qarxiyaan oo walxaha qarxa lahayd, tooreey iyo naag la sheegay in biliiska ay ka tirsan tahay oo la sheegay tooreydaa inay ku dhufteen.

Booliska ayaanan durba ka jawaabin waxyaabahaa guddoomiyuhu sheegay.

Afhayeenka dawlada Kenya ayaa Talaadadii sheegay in gabdhaha la dilay ay bobm batrool ah ku tuureen saldhigga booliskuna ay rasaas ku fureen si ay isu difaacaan.