4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Ingiriiska oo shaqo abuur ka samaynaya Itoobiya si ququlka qaxootiga loo dhimo

Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Dawlada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Baanka Aduunka ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu abuurayo 100 kun oo shaqo dalka Itoobiya si loo yareeyo qulqulka qaxootiga imaanaya Yurub.

Labo goobood oo waaweyn oo warshado kuyaalaan ayaa laga dhisi doonaa dalkaa kuwaasoo ku kacaya  $500m (£385m). Dalka Itoobiya ayaa dawladiisa dabadeed laga codsan doonaa inay xaquuq shaqo siiso qaxooti kunool halkaa oo dhan 30 kun.

Haweeneyda raisul wasaaraha ka ah Ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in mashruuca lagu taageerayo mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka oo qaxooti badan ay ku nool yihiin, waa Itoobiyee.

Itoobiya ayaa waxaa kunool qaxooti ka badan guud ahaan 700,000  kuwaasoo kasoo kala jeeda Koofur Suudaan, Eritrea iyo Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]