4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Tahriibeyaal laga soo badbaadshay dooni shalay dagtay, badda Mediterranean- ka

 

Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Dad badan ayaa laga soo badbaadshay dooni shalay kula dagtay tahriibeyaal badda Mediterraneanka.

Dadkaa ayaa isugu jiray Masaari iyo dad kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Afrika. Waxaa sidoo kale doonida saarnaa tahriibeyaal reer Suuriya ah.

Ilaa hada lama oga in dad Soomaali ah ay kujireen dadkii saarnaa doonidaa ama in wax Soomaali ah laga soo badbaadshay.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ilaa 43 qof ay badda ku dhinteen. Doonidaa ayaa waxaa guud ahaan saarnaa 600 oo qof.

Saraakiisha dalka Masar oo ah meeshii doonidu kasoo shiraacatay ayaa sheegay in ilaa hada la helay meydadka 31 qof.

Shaqaalaha gargaarka Masar ayaa sheegay in ilaa 154 qof lasoo badbaadiyay. Taa ayaa macnaheedu yahay in wali raq iyo quux toona aanan lagu heyn dad gaaraya 400 oo doonidaa rakaabkeedii kujiray.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]