4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
FAALLO: Maxaa laga fili karaa Shirarka iska soo Hor-jeeda ee ka Socda Beledweyne iyo Jowhar?
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo markii hore Qorshuhu ahaa in Hal maamul ay ku Midoobaan, ayaa hadda u Muuqda kuwo arintaa ku kala weydaaranaya, kaddib markii xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne looga dhawaaqay maanta dhismaha maamul u yeelanayo Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee ugu waa-weyn Soomaaliya muddo dheerna ka soo horjeeday shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan & Sh/dhexe ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha Maamul-goboleed u gaar ah Dadka reer Hiiraan,, isla markaana uu diyaar yahay dastuurkii lagu dhaqi lahaa maamulkaas.

Dhinaca kale xog-hayaha joogta ah ee wasaarrada arrimaha gudaha DF Prof Yaxye Sheekh Ibraahim ayaa maalin ka hor uga dhawaaqay magaalada Jowhar in ergada halkaa ku shirsan isku raaceen tirada beellaha kuraasta baarlamanka labada gobol, isaga oo intaa raaciyay ilaa horaanta bisha October ee nagu soo foolka leh la soo dhameystirayo dhismaha maamulka labada gobol

Marka la eego shirarka iska soo horjeeda ee ka kala socda magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar, ayaa muujinaya in halkaa ay kasoo bixin karaan maamulo iyo madaxweynayaal iska soo horjeeda oo midna dhismihiisa ku lug yeellan doonto dowladda federaalka, halka kan kalana uu ku dooddi doono in uu ku yimid rabitaanka bulshada.

Haddii ay dhab noqonto oo labada degmo looga kala dhawaaqo labo madaxweyne, waxaa uu micnuhu noqonayaa in gobollada Galguduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe oo kaliya ay ka soo bixi karaan ilaa afar madaxweyne, taasoo caqabad ku noqon karta nidaamka federaalismka oo qorshihiisu yahay in dalka laga hergaliyo ilaa shan dowlad gobolleed marka laga reebo Soomaliland.

Warka ka soo yeeray duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dhinaca kale laga yabaa in aysan mahdin DF oo oo culeys hor leh kala kulmi doonta maamul looga dhawaaqo gobolka Hiiraan, oo saameyn weyn ku yeellan kara hanaanka doorasho ee dalka marka dhinacyadu isku qabteen cida sharciyan ay tahay in ay soo xusho xildhibaannada baarlamaanka iyo Aqalka sare ku matalaya gobolka Hiiraan, oo ilaa iyo hadda muran badani ka jiro.

Culeyska iyo miisaanka kale ee uu yeellan karo maamul looga dhawaaqo Gobolka Hiiraan ayaa lagu Micneynayaa in Duubabka dhaqanka gacan mug leh ka hellayaan Maamulka DF federaalka oo dhawaan ku dhawaaqay in ka soo hor-jeedaan qorshaha Dowladda ee Shirka Jowhar, waxaana kulankii maanta ka qeyb-gallay Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo ah Guddoomiyaha maamulka Dowladda FS ee Gobolka Hiiraan oo Dhinaciisa soo dhaweeyay dhismaha maamul u gaar ah gobolka Hiiraan,

Ugu dambeyntii, waxaa isha lagu wadaa hayaan Jawaab-celinta Dowladda Federaalka ee ku aadan Go'aanka Duubabka-dhaqanka ee dhismaha Maamul u gaar ah shacabka reer Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya