4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
Wafdi uu Hoggaaminayo RW Somalia oo Maanta Gaaray Xarunta Puntland ee Garoowe (SAWIRRO)
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Wafdi u Hoggaaminayo RW Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga RW-ha oo ay ka mid ahaayeen; Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlmaanka Puntland, Xildhibaanno iyo Saraakiil kale ayaa u yimid Puntland sidii ay u indho-indheyn lahaayeen arrimaha Doorashooynka Dad-ban ee ka socta Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo RW Soomaaliya uga Hor-tagay garoonka diyaaradaha Kanooco, ayaa sheeegay in booqashada Ra’iisul wasaaraha ay wax badan uga duwan tahay booqashooyinkii uu kal hore uu ku yimid Puntland.

Sidoo kale, RW Sharma’arke oo dhiniciisa la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inuu safarkan qayb ka yahay safarro uu ku mari doono dhamaan deegaanada Puntland ay ka kooban tahay.

RW Cumar oo la weydiiyay su'aal ahayd, Wuxuu kala socdo eedeynta loosoo jeediyay ee ah inuu isagu u Saxiixay Badda Soomaaliya qayb ka ah dalka Kenya, ayaa sheegay in arrinta ku aaddan badda Somalia iyo Kenya ay isaga ka horreysay, soona bilaabtay Sannadkii 2005-tii, isagoo intaas ku daray inuusan isagu saxiixa dambe dambi ku lahayn.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa xusay in markii ay gabo-gabowdo Dacwadda ka socota Maxkamadda Cadaaladda ee QM uu sharaxaad dheeraad ah ka bixin doono arrimaha Badda Somalia ee dhinaca ku haysa Waddanka Kenya.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
Email: [email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya