4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
SAWIRRO: Dibadbax lagu Taageerayo in Doorashooyinka la kala qaado oo ka dhacay Hargeysa
Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Mudaharaad aad u balaadhan oo lagu taageerayo go’aankii madaxweynuhu ku kala qaaday labada doorasho ayaa ka dhacay magaaladda Hargeysa, waxaana dadweynuhu beesha caalamka  u sheegayeen in danta Somaliland ay ku jirto in doorashadda la kala qaado.

Dadweynahan ayaa ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen ma doonayno in beesha caalamku nagu dirqiddo wax aanay Danni noogu jirin iyo, anaga og waxa qarankayagu ku badbaadayo iyo sidoo kale fariimo ay u dirayeen dalalka caawiya doorashooyinka Somaliland oo ay u sheegayaan inay ku taageeraan qaabka madaxweynuhu u dhigay.

Sidoo kale, Dadweynahan ayaa socod ku maray badhtamaha magaaladda, isla markaana si nabadgalyo ah u muujiyey taageeradda ay u muujiyeen go’aankiii madaxweynuhu usoo gudbiyey golaha wakiilada iyo ansixintii golaha Wakiiladdu ku meel mariyeen.

“Anagu waxaan iskugu soo baxay sidii aanu u taageeri lahayn go’aankii madaxweynuhu ku kala saaray doorashadda, waa mid dhaqan noo ah in hadba sida aanu dan moodno aanu raacno, balse caalamka maaha mid anaga nagu qasbi kara wax aan dantayaddu ku jirin, tallo aanan lahayn ma doonayno”ayuu yidhi mid ka mdi ah dadkii isku soo baxay.

Dhanka kale, dadweynuhu waxay diidanayeen oo dhowaaqooqa ka mid ah in shirkii urur goboleedka IGAD ku qabsadeen Muqdisho  bayaankii ka soo baxay ee ay ku sheegeen in midnimadda iyo xuduudda Soomaaliya tahay lama taabtaan.

“IGAD waxaan leeyahay Somaliland waa dal madax banaan,  anaga Soomaaliya u tagnaay markii hore imika iska daynay, cid la qasbi karaana ma jirto, marka bayaankaasi ka soo baxay IGAD mid aanu aqbali karno maaha”ayey tidhi haweenay ka mid ahayd dadkii mudahaaraadayey.

Mudaharaadkan ayaa iskugu jiray mid lagu taageerayo go’aankii madaxweynuhu ku kala qaaday doorashadda, mid ay kaga soo horjeedaan beesha caalamka ee dalbatay in doorashada mar la wada qabto iyo mid kale oo ay jawaab uga dhigayaan shirkii IGAD bayaankii ka soo baxay ee midnimadda Soomaaliya kaga hadlayeen.

Dadweynahan oo aaanu waydiinay cidda soo abaabushay ayaa sheegay inay iyagu isa soo abaabuleen, haseyeeshee, xisbiga WADANI ayaa sheegay inay isku soo baxan xukuumaddu soo abaabushay oo ay rabtay inay beesha caalamka u tusto in go’aankaasi madaxweynaha lagu taageerayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland