4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
DHAGEYSIGA Dacwadda Badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya oo gashay Maalintii Labaad

Talaado, September 20, 2016 (HOL) — Waxaa Maalintii labaad galay dhagaysiga Dacwada ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee QM ee la xiriirta Muranka Soohdin badeedda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Talaalada Maanta ah, ayay Somalia Maxkmadda Cadaaladda ee QM ka hor jeedin doontaa dooddeedda ku Saabsan Muran badeedka. Kaddib markii Kenya ay shalay soo bandhigtay Qodobbada ay ku doodayso, Waxayna xoogga saartay in Dib loogu noqdo Heshiiskii is-af-garadka ahaa ee Kenya iyo Soomaaliya ay kala Saxiixdeen Sannadkii 2009-kii.

Sidoo kale, Dhagaysiga Dacwaddan ayaa khuseysa diidmada ka timid Dalka Kenya ee ay ku doodayso in maxkamadan aysan awood u lahayn inay xaliso murankan badda ee u dhexeeya dalkeeda iyo Soomaaliya.

Labada dal waxay sheeganayaan lahaanshaha xudduud badeedka cabirkiisu yahay 142,000 oo KM oo laba jibbaaran, Sidaas darteedna Somalia ka dalbatay Maxkamada inay xadeyso xadduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka Caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, Dowladda Kenya ayaa su'aal galisay Awoodda ay Maxkamaddu u leedahay inay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsan tahay xeerarka xeyndaabkeeda shaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya