4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo difaacay go'aanka dawlada Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab



Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Samoi Ruto ayaa mar kale  difaacay go'aanka dawlada Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab sanadkaan dabayaaqadiisa.

 

Kenya ayaa shaacisay in kama dambeys xeryahaa la xirayo bisha 11aad ee sanadkaan. Ruto ayaa ku cambaareeyay dunida  in boqolaal kun oo qaxooti ah aysan waxba sidaa u buuran u qabanayn ee Kenya ay ku eeganeyso.


Wuxuu kaloo sheegay in qaxootigu ku yahay dhibaato ammaanka dalka Kenya oo ay ka ganacsadaan alaabada koontarabaanka ah iyo hubka.


'Dhawaan xeryaha Dhadhaab waxaa ka baaba'ay dabiicigii baniaadminimo waxaana adeegsaday argagixiso iyo wakiiladooda ayagoo u rogay xarun dadka xagjirnimo lagu baro'. Sidaana wuu yiri.

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro badan ka geysatay Kenya laga soo bilaabo 2011 markii ciidamada Kenya loo diray Soomaaliya.

 

Ruto wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay dadajiso si saami ah u xasilinta Soomaaliya iyo in khadamaatka Soomaaliya si saami ah oo waafi ah loo hagaajiyo si Soomaaliya loogu cesho qaxootiga xeryaha Dhadhaab ku jira.

 

Ruto ayaa ka hadlaayay shalay shirka golaha loo dhan yahay ee QM, New York carriga Mareykanka markii uu khudbadaa jeediyay asagoo sidoo kalena arimahaa kala hadlay xog-hayaha guud ee QM Ban Ki Moon.


Si kastaba waxaa jira heshiis saddex geesood ahaa oo ay kala saxiixdeen UNHCR iyo dawladaha Kenya iyo Soomaaliya sanadkii 2013 kaasoo dhigaya in qaxootiga aan qasab lagu celin.

 

Lama oga waxa dhici doona markii la gaaro bisha 11aad maadaama Keyna ay wali ka dhawaajineyso in xeryaha Dhadhaab la xiri doono waqtigaa.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]