4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 20, 2016
Kenya oo codsatay in la joojiyo dhagaysiga dacwada kusaabsan muranka badda

 

Talaado, Sitember 20, 2016 (HOL)-Sharci yaqaano Kenyan ah oo uu hoggaaminaayo xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa shalay codsaday in la joojiyo dhageysiga dacwadaa.

 

Dacwadaa ayaa shalay ka bilaabatay Maxkamada Caalamiga ah ee Caddaalada ee QM ICJ. Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Kenya in Soomaaliya iska indha tireyso heshiis muranka lagu xallili lahaa ayadoon maxkamad la adeegsan.

 

Heshiiskaas ayaa xeer jajab ah ay dawlad hore oo Soomaaliya ka jirtay -dawladii Shariif Sheekh Axmed iyo dawlada Kenya ay wada saxiixdeen.

 

Dacwada ayaa gashay maalintii labaad ee la dhageysanaayo maanta waxaana la filayaa in dhageysigu socdo ilaa Jimcaha soo socda.

 

 Dawlada Kenya ayaa sheegtay in ay heshiis shaqeynaya la gashay dawladii Shariif Sheekh Axmed kaasoo kusaabsan xallinta muranka badda waxayna ka caga jiideysaa sii socoshada dhagaysiga dacwada ee maxkamadaa ICJ ee The Hague, Holland iminka ka socda.

 

Dhanka kale ayaa dawlada Soomaaliya waxay ku andacooneysaa in baarlamaanku sanadkii 2009 u codeeyay in heshiiskaa aanu la jaan qaadeyn jaartarka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.


Heshiiska ayaa waxaa saxiixay madaxweynihii xilligaa, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, raisal wasaarihii waagaa, Cumar C/Rashiid oo hadana mar kale dawlada hada kujira iyo guddi ka koobnaa wasiiro dawladii sheekh shariif ka tirsanaa.   

 

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Muigai ayaa ku baaqay in arinkaa xallintiisa loo dib dhigo ilaa Soomaaliya ka hesho xasillooni buuxda.


Dhanka kale ayaa shalay waxaa meelo badan ku dibad baxay Soomaali ka careysan wax ay ugu yeereen gar darro Kenya ay dooneyso inay ku qaadato badda Soomaaliya iyo kheyraadka dhex ceegaaga sida kalluunka iyo shidaalka.

 

Dibad baxyadaa ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo caalamka ah oo dad badan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin sida London, carriga Ingiriiska iyo meelo kale.

 

Xataa waxaa jiray dad Soomaali ah oo abaabulaayay inay maxkamada dacwada qaadeysa ee ICJ horteeda ay ku mudaaharaadaan.

 

Khaasatan badda inta laisku hayo ee doodu ka taagan tahay ayaa waxaa la xaqiijiyay in shidaal badan kujiro hoosteeda ayadoo kalluun badana uu kujiro baddaa.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]