4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 28, 2016
VLADIMIR PUTIN: Ruushku kalama xigsan doono Musharraxiinta xilka Mareykanka u Tatamaya


Jimco, Oktoobar 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Ddalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay eedeymaha ku aaddan in dalkiisu fara-gelin ku hayo doorashada Maraykanka kuwo aan macno lahayn oo been abuur ah, wuxuuna intaas ku daray in Moscow aysan kala xigsanayn Musharraxiinta u tartamaya doorashada Aqalka Cad ee dalka Mareykanka.

Putin, ayaa hadalka sheegay xilli xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Washington uu aad hoos ugu dhacay, Wuxuuna raaciyay inuu diyaar u yahay inuu musharraxii doorashada dhacaysa bisha dambe dambe ku guuleysta la shaqeyn doono.

“Wax fara-geln ah oo uu Ruushku ku hayo doorashada Mareykanka ka dhici doonta bisha soo socota ma jirto, Wararkaasna waa been abuur aan sal iyo raad lahayn,” ayuu yiri Putin oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Ruushka ayaa ka hadlay Donald Trump oo hore u sheegay inay haboon tahay in la furo Wadahadal lagu hagaajinayo xiriirka ka dhexeeya Mareykanka iyo Ruusha, isagoo ku tilmaamay hadalkaas tallaabo ay tahay in lasoo dhaweeyo.

Ugu dambeyntii, Ruushka iyo Mareykanka ayaa isku khilaafsan colaadaha ka taagan dalka Suuriya oo ay labada dal faraha kula jiraan, iyadoo uu ka soo horjeestay Ruushka Qorshaha Mareykanka ee dagaalka Suuriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya