4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2016
WARBIXIN: Qabsashadii Ururka DAACISH ee Deegaanka Qandala ee Gobolka Bari, Puntland


Arbaco, Oktoobar 26, 2016 (HOL) — Xoogag ka tirsan Ururka DAACISH, ayaa Maanta la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Qandala ee gobalka Bari, Taasoo Qiyaastii 75-KM u jirta Magaalada Bassaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

Ciidamadan la wareegay Deegaanka Qandala, ayaa la sheegay inuu Hogaaminayo Sheekh C/qaadir Muumin, sida ay HOL u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonaan karo, kuwaasoo intaas ku daray in tirada Ciidamada uu wato ay gaarayaan illaa 70-ruux oo si aad ah u hubeysan.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in Xoogaggan ka tirsan Ururka Daacish markii ay galeen magaalada calankooda ka taagteen xurmaha degamada iyo Booliiska, dadkana u qudbeeyeen, iyagoo u sheegay inay magaalada sii joogi doonan.

XAGEE KA YIMAADEN CIIDAMADAN KA TIRSAN URURKA DAACISH;

Kooxdan Daacish ka tirsan ee qabsatay Qandala, Waxaa Hoggaaminaya, Sheekh C/qaadir Muumin oo Sannad ka hor ku biiray Ururka DAACSIH kaddib markii uu ka baxay Ururka Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa, isla markaana uu kula diriray Deegaanno ku yaalla buuraha Bari ee Puntland.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa HOL u sheegay in Ciidamadan ka tirsan Daacish ay kasoo ruqaasanadeen deeganka Balli-dhidin oo Qiyaastii 180-km deegaanka Qandala ee ay Qabsadeen ka xigta Dhanka Koonfureed ee Buuraha Galgala

Qandala waxay dhinaca badda xaduud kala leedahay Magaalada MUKALLAH iyo gobalka SHABWA ee Waddanka Yemen, halkaas oo ay ku Xooggan tahay kooxda Daacish, kalana soo dagaan shidaalka iyo saanadaha kale.

PUNTLAND MAXAY KA TIRI QABSASHADA DAACISH EE QANDALA;

Puntland, waxay dhawr jeer oo hore la dagaallantay ciidammo uu Hoggaaminayo, Sheekh C/qaadir Muumin oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab, Waxayna ka saartay Buuraleyda Ga-lgal xilliyo kala duwan, kuwaas oo ay kala Hoggaaminayeen, Maxamed Saciid Atam iyo Saraakiil Al-shabaab.

Qabsashada Qandala Wax Walaac ah kuma hayso Shacabka Puntalnd, Waxay Casharro ka barteen dagaaladii Puntland ay kaga adkaatay xoogaggii Al-shabaabkii kusoo duulay; Suuj, Garmaal iyo Garcad oo hadda Puntland ay ka arrimiso.

Dhanka kale, Waxaa socda kulammo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland ee Gbolka Bari, taasoo la xiriirta sidii ay dib ugu soo laaban lahayd Qandala gacanta maamulka Puntland.

MAXAA LA FILAN-KARAA TALLAABADA AY QAADAYSO PUNTLAND;

Markii aan dib u eegno Dagaallada u dhaxeeya maamulka Puntland iyo ururro diimeeyada ka jira Soomaaliya, Waxay dagaalmeen Afar jeer oo kala ah; Sannadihii1992-kii, 2006-dii, 2010-kii iyo 2015-kii, Sanadaahaas oo Puntland ay awood u sheegatay kooxo diimeedyadii ay la dagaallantay, Waxaana hadda Muuqata in maamulka Puntland  uu ciidammo u dirayo Qandala, waxaana dhinca kale ay Galmudug isku hayaan Degmada Gaalkacyo oo xudun u ah Somalia oo dhan.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected] 
Garoowe, Puntland - Soomaaliya