4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2016
Maamulka Gobolka Nugaal oo Go’aano dhawr ah kasoo saaray Maanta Amniga degmada Garoowe


Arbaco, Oktoobar 26, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, ayaa war-fidiyeenka u akhriyay go’aanno dhowr ah oo ka so baxay guddiga ammaanka gobolka Nugaal, kuwaas oo uu ku sheegay inay ku xoojinayaan Wada-shaqeynta Xiriirka iyo Xog-is-dhaafsiga ka dhaxeeya Laamaha Amniga Gobalka Nugaal.

Cumar Faraweyne ayaa xusay in maamulka gobalka Nugaal ay talaabo adag ka qaadayaan qolyo uu ku Tilmaamay Burcad oo maalmihii ugu dambeeyay caadeystay inay bateriyada kala baxaan Layrarka Cadceeda ku shaqeeya ee suran waddooyinka magaalada Garoowe.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Nugaal, ayaa tilmaamay inay sidoo kale talaabo ka qaadi doonaan xubno ku habsaday dhulkii goroonka diyaaradaha  Garoowe, kaas oo uu ku socdo dhisme, Isagoo intaas kaddib Diginin u diray Waaladdiinta dhalay dhallinyaro Habeenkii magaaalada Garoowe ka billaabay Furadshada taleefoonnada iyo cabsi-gelinta bulshada.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa xusay in qabsashada degmada Qandala iyo Dagaalka Gaalkacyo ka socda ay ka Dambeeyaan Al-shabaab, Daacish, Galmudug iyo Dowladda Federaalka Somalia, oo uu tilmaamay inay isku mid yihiin.

Ugu dambeyn, Hadalka kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobalka Nugaal, ayaa imaanaya xilli Xiisado Colaadeed oo u dhexeeys Galmudug iyo Puntland ay Gaalkacyo ka Taagan yihiin. Sidoo kalena degmada Qandala ee Gobalka Bari ay manta qabsadeen kooxo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Daacish la wareegtay Maanta.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]   
Garoowe, Puntland - Soomaaliya