4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2016
Jaamacadda Bariga Afrika oo Heshiis Waxbarasho la saxiixatay Jamaacadda KU ee dalka Uganda

Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Jaamacadda Bariga ayaa maanta heshiis isugu jiray is-afgarad iyo iskaashi la saxiixatay jaamacadda Kampala University ee dalka Uganda ka dib kulan maanta lagu qabtay xarunta East Africa ee magaalada Bosaaso.

Madax ka tirsan Jaamacadda Bariga Afrika iyo wakiilo matalayay KU ayaa ka soo qayb-galay shirkii heshiiskan lagu kala saxiixanayay, waxaana qabsoomid-da heshiiskan laga soo shaqaynayay muddo gaaraysa laba sano.

Gudoomiyaha Jaamacadda bariga Afrika Aadan Shekh Doon oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskiisan intiisa badan uu la xiriiro dhanka waxbarashada iyo sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen xiriiiro joogto ah.

“Waxaa farxad weyn inoo ah inaan halkan ku kala saxiixano iskaashi ka dhaxeyn doona labada jaamacadood ee  Bariga Afrika iyo Kampala University, dhinacyada aan iska kaashan doono waxaa kamid ah is-dhaafsiga xogaha iyo ardayda  " ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacadda.

“Barnaamijyada aan isla garanay waxaa kaloo kamid ah in cidii danaynsa ay labada jaamacadood ka baran karaan kuliyadaha kala ah cilmiga kompuyuutarka iyo barashada Aqoonta saxaafadda “ ayuu mar kale yiri Sheekh Doon oo tilmaamay in samaynta cilmi-baaris-yada ay kamid tahay waxyaabaha ay labada jaamacadood iska kaashan doonaan.

Prof. Hamsa oo ka socday dhanka KU ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in labada Jaamacadood ay xiriir yeeshaan ,isaga oo tilmaamay in xog badan oo dheeraad oo jaamacadda ku saabsan ay heleen markii ay yimaadeen Bosaaso.

“Waxaan ogaanay in ay wax weyn tahay in xiriir aan la samaysano jaamacadda Bariga Afrika ,waxaana aqoonsanay in ay jiraan meelo badan oo labada jaamacadood ay ka wada shaqayn karaan “ ayuu mar kale Hamza.

Ugu danbayn , Heshiiskan ayaa la filayaa in ay si wada jir ah uga faa’idaystaan labada Jaamacadood , waxaana maamulka Jaamacadda uu tilmaamay in muhiimadda ay saarayaan sidii loo hormarin lahaa waxbarashada gobolka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]