4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 26, 2016
Xukuumadda Gambia oo si Rasmi ah u shaacisay inay ka baxayso Maxkamada Dambiyada ee ICC


Arbaco, Oktoobar 26, 2016 (HOL) — Xukuumadda Gambia, ayaa ku dhawaaqday inay ka baxayso Maxkamada Dambiyada Aduunka ee ICC oo xarunteedu tahay Magaalada Hague, iyadoo Dalka Gambia uu noqonayo waddankii saddexaad oo Afrikaaan ah oo ku dhawaaqa inuu ka baxayo Maxkamaddan.

Dowladda Gambia, ayaa ku Tilmaantay Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC, mid u taagan dacwad kusoo oogidda iyo Xabsiyeynta Dadka Afrikaanka ah oo kaliya, isla markaana aan dhibaatooyinka kale ee caalamka waxba ka qaban.

Sidoo kale, Dowladda Gambia Tallaabada ay qaadday waxaa kaga Horreysay Dowladaha Koonfur Afrika iyo Burundi oo iyaguna horay u sheegay inay ka baxayaan maxkamaddan.

Madaxweynaha Gambia Yaxye Jammeh, oo dalkaas xukumayay tan iyo Sanadkii 1994-kii, xilligaasoo oo uu awood millateri kula wareegay xukunka, ayaa shaaciyay inuu dalkiisu ka baxayo maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Adduunka.



Bisha December ee sannadkan, ayaa lagu wadaa inay Dalka Gambia ka dhacdo Doorasho, waxaana jirta in la xiray xubnihii Mucaaradka waddankaas oo lagu eedeeyay inay ka qayb-galeen mudaaharaadyo aan sharci ahayn oo ka dhacay dalkaas.

Dhanka kale, Hay'adaha Xuquuqda Aadanaha Caalamka, ayaa Xarigga Hoggaamiyeyaasha Axsaabta Mucaaradka Gambia ku Tilmaamay mid Xad-gudub ku ah Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda xubnaha mucaaradka dalkaas.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika ayaa horay ugu eedeeyay Maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee ICC, in ay Bar-tilmaameesanayso Hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika oo keliya, taasoo ay ku tilmaameen mid aan loo dul-qaadan karin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya