Sawirka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.
Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Dagaal-yahano ka tirsan ururka Daacish ayaa
maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari , iyadoo
uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmada markii ay soo galayeen kooxdan.
Gudoomiyaha degmada Qandala Jaamac Maxamed Kuurshe
oo la soo xiriiray warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dagaal-yahanadan oo wata hubka
noocyadiisa kala duwan ay si rasmi ah hadda gacanta ugu hayaan degmada
Qanadala.
“Waxa ay soo galeen degmada saaka lixdii subaxnimo
,markii aan waraysan-nay dadka deegaanka iyo xubnaha golaha deegaanka waxa ay inoo sheegeen in dagaal-yahanadan
ay gaarayaan ilaa iyo 50 dagaal-yahan “ ayuu yiri gudoomiyaha oo ka warbixinayay arintan.
“Markii ay soo galeen degmada anteenadii bey jareen ,dadkii
kuluumaysatada ahaana waa ay u diideen in ay badda aadaan, inkastoo markii danbe
ay dib u fasaxeen , balse ilaa iyo hadda iyaga ayaa gacanta ku haya magaalada “
ayuu mar kale yiri Kuurshe.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in shacab badan oo degmada
ku sugnaa ay qax bilaabeen ,iyaga oo adeegsanaya saxiimadaha kaluumaysiga
,waxaana uu xusay in saldhigyo ay ka samaysteen xaafado ka tirsan degmada
Qandala.
“ Hadda meelo badan oo kamid ah degmada ayey ka
taageen calanka Daacish ama ISIL , goobaha ay calankooda sureen waxaa kamid ah
Saldhig-ga iyo waliba xarunta dowladda hoose “ ayuu xusay ,isaga oo tilmaamay
in dhamaan-ba ay istaageen howlihii shaqo ee dowladda ee ka socday degmdaas.
Ugu danbayn ,hogaamiyaha kooxdan Cabdul-qaadir Mumin
oo haysta dhalashada Ingriiska ayaa dhawaan
lagu daray liiska rag-ga uu Maraykanku raadinayo , waxaana in muddo ah isaga
iyo koox uu hogaaminayo ay saldhigyo ku lahaayeen qaybo kamid ah gobolka Bari.
Hiiraan Online News Desk