4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2016
Danjiraha Somaliya ee boqortooyada Sacuudi Carabiya oo soo dhoweeyey dhaawacyo caafimaad loo keeney Riyadh

Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga Mudane Daahir Maxamud Geelle oo ay la socdaan ku xigeenkiisa mudane Saalim Macow Xaaji iyo Xoghayaha 3aad Mudane Cabdullaahi Ibraahim Aadan ayaa garoonka militeriga ee Boqor Salmaan ee magaalada Riyadh ku soo dhoweeyey dadkii ku dhaawacmey qaraxyadii kala duwanaa ee waayahan dambe ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale garoonka goob joog ka ahaa mas’uuliin ka socotey dowlada Sacuudiga oo ka qeyb galey soo dhoweynta bukaanada la keeney.

Dadka la keeney oo ay tiradooda gaareysey 16 bukaan, ayaa ka koobnaa kuwa gaarey dhaawacyo culus oo aan wax loogu qaban karin cusbataalada Soomaaliya.

Dadkan ayaa Soomaaliya loogu soo qaadey dayaarad khaas ah oo ay la socdaan taqaatiir kuna qalabeysan qalabka caafimaadka oo ay udirtey Hey’ada Iqaadada ee Boqor Salmaan oo fadhigeedu yahay magaalada Riyadh.

Arintaasi ayaa ka dambeysey codsi ay dowlada Soomaaliya u gudbisey dowlada Sacuudiga.  Bukaanada marka ay soo degeen ayaa loo qeybiyey afar cusbataal oo ku yaal magaalada Riyadh.

Danjire Daahir Maxamud Geelle ayaa si weyn ugu mahadceliyey Boqorka dalka Sacuudiga iyo ku-xigeenadiisa iyo shacabka Sacuudiga sida ay markastaba gacan ugu geystaan taakuleynta dadka ku dhaawacmada qaraxyada ka dhaca Somaaliya, asagoo xusey dhaawacyo horey loogu daaweeyey cusbataalada dalka Sacuudiga.

Aadeb M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]