4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 4 , 2016
Gudoomiyihii Al-shabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose oo Maalmo ka hor Xilkii laga Qaaday


Arbaco, May 04, 2016 (HOL) — Al-Shabaab ayaa xilkii ka qaadday Guddoomiyahoodii u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Hoose, Sheekh Maxamed Abuu C/lla oo muddo siddeed sano ah xilkan soo hayay, wuxuuna ahaa mas’uul aan marna xilkan horay looga bedelin.

Inkastoo saanay jirin cid loo magacaabay xilka, ayaa haddana waxay VOA-da ay baahisay in ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen in Sheekh Abu-C/lla xilka laga Qaaday Axaddii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in Sababaha xilka looga qaaday ay xiriir la leedahay heshiis la sheegay inuu dhex-dhexdheaadiye ka ahaa Sh. Abu-Cabdalla oo dhawaan la dhex-dhigay labo beelood oo ku dagaallamay Gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa intaas ku daraya in beel ka mid ah labada beelood ay ka dacwootay sida uu wax u dhex-dhexaadiyay Abu-Cabdalla, inkastoo aanay jirin wax war ah oo arrintan ku saabsan oo illaa hadda kasoo baxay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Gobolka Shabeellada Hoose oo ka mid ah gobollada ay qaybo ka mid ah gacanta ku hayso Al-shabaab ayaa waxaa marar badan ka dhacay dagaallo salka ku haya qaab beeleed oo dhexmaray beelo gobolkaas wada dega.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya