4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Madaxda Xisbiyada la yeeshay Kulan la xiriira Doorashada


Talaado, Juun 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Siilaanyo, ayaa maanta kulan iskugu yeedhay hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi iyo Shir-guddoonka Labadda gole Baarlamaan, kuwaas oo ka wada hadlayey sidii doorashadda Madaxtooyada wakhtigeedii u dhici lahaayeen.

Kulanka ayaa ka dhacay hoolka madaxtooyadda, waxaana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka, wasiirka madaxtooyadda, wasiiru dawlaha madaxtooyadda,  xaga xisbiyadda waxa joogay hogaamiyeyaasha saddexda xisbi iyo shirgudoonka Barlaanka, kuwaas oo muddo laba saacadood ah ka doodayey sidii doorashaddu wakhtigeeeddii u dhici lahayd iyo sidii diiwaangelintu uga qabsoomi lahayd goboladda Sool iyo Sanaag Barri.

“Sida aad la socotaan waxa inoo qorshaysan inaynu qabano ama meel-marino 27-ka March, 2017-ka doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Sidaa darteed, si aynu u xaqiijino himiladaa qaran waxay inooga baahan tahay talo adag, tabaabulshe iyo tawfiiq.

Madaxweyne ahaan waxa iga go'an in aan suurta-galiyo doorashooyinkaa xiligii loogu talo-galay, Eebbe idamkii. Hase-yeeshee, waxa inala deris ah xaqiiqdii caqabado ku gedaaman doorashada wakiillada, taas oo salka ku haysa qaybinta kuraasta aqalka cusub.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey kulankii hogaamiyeyaasha xisbiyadda ku dhexmaray madaxtooyadda.

Waxaanu intaas ku daray “waxaan idiinku yeedhay in laga yeesho talo midaysan, gaar ahaanna aad wada tashi mug leh ka yeelataan saddexdiina xisbi qaran iyo shir-guddoonka wakiiladu, si xal loogu helo qaybinta kuraasta baarlamaanka. waxaan idinka rajaynayaa in aad gaadhaan go'aan midaysan oo xal u noqon kara qaybinta kuraasta Golaha Wakiillada, isla markaana wax-tar u ah dalka iyo dadka.Waxa kale oo aan idinka rajaynayaa in aynu si midaysan uga hawlgalno diiwaangelinta gobollada Sool Iyo Sanaag, oo qarankan ugu fadhida qiimo-weyn oo siyaasadeed.”

Dhinaca kale,  Gudoomiyeyaasha seddexda xisbi qaran iyo xubnaha shir-guddoonka wakiilada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka uu u qabtay, waxanay aaraah tiro badnayd ka soo jeediyey ujeedada Madaxweynuhu ugu yeedhay oo faallooyin badan ay ka bixiyeen sida ugu habboon ee loo hirgelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Sool iyo Sanaag, iyo qodobka falanqaynta adag ee ku saabsan saami qaybsiga golaha wakiilada, waxana hadalka masuuliyiintu ku wareegayey, sida loo maaraynayo dhaqaalaha ay u baahan tahay habsocodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolada hadhsan.

Qodobka dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha Sool iyo Sanaag ayaa laysla qaatay, in meelaha laga baadhayo dhaqaalahaasi ay ka mid noqoto codsi loo diro, kulamana  lagala yeesho dhunacyada Maraykanka iyo Midawga Yurub gaar ahaan Jarmalka oo ah muruq dhaqaale, laguna qaban doono dhawaan shir dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka.

Dhinaca kale qodobka intii fadhigu socday qaatay wakhtiga intiisi badnayd wuxu ahaa kan saami qaybsiga golaha wakiilada. Waxaana halkaa laga soo jeediyey warbixin ah in markii gudiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee golaha wakiiladu ay sahan ugu baxeen gobolada waa weyn ee dalka lana kulmiyeen waxgaradka iyo odayaasha goboladaasi ay soo baxday in gobol waliba uu aaminsan yahay inuu yahay kan ugu dadka badan, uguna dulman marka la eego tirada ugu jirta golaha wakiilada, taasi oo muujinaysa sida qodobka saami qaybsiga golaha wakiiladu u adag yahay.

Saddexda Xisbi qaran ayaa soo jeediyey inay fadhi danbe ka yeeshaan una talo badsadaan, qodobkaa saami qaybsiga iyaga iyo shir gudoonka wakiilada iyo gudida doorashooyinkuna ay kulmaan sida ugu dhakhsaha badan.

Markii laga soo baxay shirka ayaa waxa warbaahinta la hadlay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, kuwaas oo soo dhoweeyey shirkan taladda ahaa ee la iskugu yeedhay waxa laga yeelayo saami qaybsiga Baarlamaanka iyo sidii loo gaadhsiin lahaa diiwaangelinta goboladda Sool iyo Sanaag Barri, waxaanay u ballameen maalinta Khamiista in kulan dambe iskugu yimaadaan.

Arrinta Saami qaybsiga baarmaanka  oo xeerkeeddu qabyo ahaa, isla markaana gobol walba tirsanayo in xubnaha ay ku leeyihiin baarlamaanka ay saluugsan yihiin, sidaa darteed, ayaa la doonaya in dib loogu noqdo saami qaybsiga kuraasta barlamaanka, taas oo abuuri karta khilaaf siyaasadeed, maadaama oo gobolada qaarkood aaminsan yihiin in saamigii ku haboonaa aanay ka haysan xubnaha baarlamaanka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland