4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 17, 2016
Dalka Iiraan oo laga Qaaday Cunno-qabateyntii saarnayd kaddib Fulintii Heshiiskii Nuclear-ka
Axad, Janaayo 17, 2016 (HOL) —Cunaqabateyntii caalamiga ahayd ee saarnayd dalka Iran ayaa laga qaaday kadib markii hay'adda quwadda atoomikada ee Qaramada Midoobay ay xaqiijiyeen in Iran ay meelmarisay heshiis ujeedkiisu ahaaa in looga hortago in ay kobciso hubka Nuclear-ka.

Xoghayaha arimaha dibadda mareeykanka John Kerry, wasiirka arimaha dibadda Iran Mohamed Jawad Zariif iyo masuuliyiin kale ayaa qeyb ka ahaa Guusha diblumaasiyadeed ee cunaqabateynta looga qaaday Iran.

Hay'adda Caalamiga ah ee quwadda Nukliyeerka ee magaceeda loo soo gaabiyo IAEA ayaa sheegtay in xukuumadda Tahran ay soo dhameystirtay dhammaan tallaabooyinkii muhiimka ahaa ee ay ku bilaabi lahayd dhaqangelinta  heshiiska Nukliyeerka.

Madaxweeynaha dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa waxa uu sheegtay in arintani ay tahay guul uu gaaray dalkiisa, taa oo uu xusay in ay ku heleen samir ay sameysay dowladiisa.

Dowladda Israel ayaa durba nasiib darro ku tilmaamtay go'aanka cunaqabateynta looga qaaday dalka Iran, iyadoo sheegtay in caalamku iska indho tirayo xaqiiqooyin muuqda.

"Iran waxa ay wadaa in ay taabo geliso hubkeeda Nuclearka, beesha caalamka waa in aysan indhosarcaadin go'aanka hay'adda caalamiga ah ee quwadda atoomikada," sidaa waxaa yiri safiirka Isreal u fadhiya Qaramada Midoobay Danny Danon.

"Maanta, Mareeykanka, saxiibadeena iyo wadamada aan isbaheysiga nahay ee bariga dhexe iyo guud ahaan caalamka waa mid badbaaday, maxaa yeelay qatarihii hubka Nuclearka waa la yareeyay," sidaa waxaa yiri Mr. Kerry.

Cunqabateynta laga qaaday dalka Iran ayaa u fududeeysaneeysa in dalkaasi helo balaayiin doollar islamarkaana si caalami ah loo iibsado saliidda uu soo saaro dalkaasi Iran.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya