4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2016
Abwaan Cali Sugule oo ku geeriyooday Maanta Isbital lagu daweynayay oo ku yaala Imaaraadka


Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) — ALLAHA u naxariistee waxaa ku Geeriyooday maanta cisbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta Abwaabkii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cali Sugulle Cigaal oo loo yaqaan Dun carbeed, waxaanu muddo ku xanuunsanayey dalkaas.

Abwaan Cali Sugulle ayaa taariikh dheer ku lahaa fanka dalka, wuxuuna qayb libaax kasoo qaatay xilligii xornimo u dagaalanka ee dagaalka kula jiray gumaystihii Ingiriska, waxaanu suugaan aad u badan ka tiriyey wakhtigaasi.

Sidoo kale, wuxuu heeso badan oo waddani ah iyo guubaabo ka tiriyey lixdankii wakhtigii xornimadda la qaatay ee ay dhalatay dawladdii Jamhuuriyadda Somalia iyo dawladnimadii ka dambaysayba.

Abwaan Cali Sugulle wuxu ahaa abwaan weyn oo taariikh ballaadhan ku lahaa fanka iyo maansada casriga ah ee Soomaalida. Wuxuuna ka qaybqaatay halgannadii kala duwanaa ee Gobonnimo-doonka. Heesaha waddaniga ah ee ugu saamaynta badan ayuu Hal-Abuuray.  Heesahaasi wadaniga ee uu sameeyey waxaa ka mid ahaa, "Waa baa beryay" "Af-qalaad aqoontu miyaa? "Soomaalidii Midawday, Saxalkii baxayoo samaatay", "Turun-turrootoo kuftay, maxaad Taqaan... Waa loo Tartamayaa maxaad Taqaan" "Shantoo Is-weheshataa wacnaydaa" ayuu tiriyey sida ka soo minguuriyey Abwaan Maxamed Saleebaan oo ka mid ah dhalinyarta suugaanta ururisa.

Sidoo kale, waxa uu Marxuum Abwaan Cali Sugele Dun-carbeed ka qaybqaatay silsiladdii caan baxday ee Deelley ee abwaanaaddii wakhtigaasi joogay kaga hadlayeen Siyaasadda iyo marxaladii wadanku marayey, waxaana ka mid aha qayb ka mid ah tixdii caan baxday ee Deelleydaasi ku jirtay, waxaanu yidhi:

"Diric keli ahaantii,
daleel guusha kama helo,
Dadkaa geesi lagu yahay"

Gabayada lagu xusuusan doono waxa ka mid ah;

"Kol haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan
Goblan weeye Soomaaliyeey, garashadaadiiye." Cali Sugulle Cigaal AHN.

Lama soo koobi karo taariikhddii Abwaanka iyo suugaantii uu shacabka ku guubaabin jiray iyo Riwaayadihii uu dadka wax ugu sheegi jiray, waxaana  isku dayi doonnaa inaynu soo ururino Suugaan badan iyo Taariikhdiisa oo dadkii ay asxaabta dhow ahaayeen ka soo qori doonnaa.

Marxuumka waxa la filayaa in magaalada Hargeysa lagu aasi doonno, iyadoo aas qaran loo samayn doonno.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Cali Sugulle, waxaanu madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay geesi wakhti adag lasoo maray ummadda Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, wuxuu Dhambaal Tacsi ah u  dirayaa Bahda Suugaanta, Ehelladii, Qaraabadii, Qoyskii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacbiga Somaliland isagoo ka tacsiyeeyay geerida ku timid ALLAHA ha u naxariistee Marxuum Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun-Carbeed) oo ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaaladda Dubai maanta oo ay taariikhudu tahay 11/01/2016”ayaa lagu yidhi qoraal xafiiska madaxweynaha ka soo baxay.

Madaxweynaha oo ka sheekeynayay waxtarkii umadan uu soo taray abwaan Cali Sugulle waxa uu yidhi “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in Abwaan Cali Sugulle uu ahaa Abwaan ay soo wada koreen; isla markaana ay taariikh dheer wadaageen, ahaana nin taariikh weyn ku lahaa guud ahaan Ummadda ku hadasha Afka Soomaaliga, Madaxweynuhu waxa kale oo uu abwaan Cali Sugulle Cigaal ku tilmaamay in uu ahaa tiir dhexaad ka baxay Fanka iyo Suugaanta, Taariikh ma guurto ahna uu ku lahaa Qaranka Somaliland iyo shacbigaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janatul Fardawsa ka waraabiyo bahda fanka iyo suugaanta, qoyskii, qaraabadii, eheladii iyo asxaabtii uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.”

Sidoo kale, gudoomiyaha xisbul-xaakimka Somaliland ee Kulmiye, isla markaana ah ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Muuse Biixi Cabdi, isagoo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland geerida ku timi Abwaankii caanka ahaa Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) oo ku geeriyooday magaalada Shaariqa ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) (11/01/2016).

Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) waxa uu xaalad caafimaad u yaallay cusbitaal ku yaalla magaalada Shaariqa ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta muddooyinkii u dembeeyey, halkaas oo ugu dembeyntiina ajasha Alleh (SWT) ku heshay.

Mudane Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cali Sugule Cigaal (Dun-carbeed) inuu Abwaanku ka mid ahaa rukunnadii waa weynaa ee horumarka gaadhsiiyey Fanka Bulshada Soomaalida, kaasoo curiyey ruwaayado iyo sugaan badan, kuwaasoo intooda badani ahaayeen wacyigelin uu kaga qeybqaatay halgannadii kala duwanaa, laga soo bilaabo halgankii xorunimo-doonka, wixii ka horreeyey sannadkii 1960-kii iyo halgannadii kala dembeeyey.

Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowsa, inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka qoyska, qaraabada, asxaabta, bahda fanka, guud ahaan dadka Af-Soomaaliga ku hadla, gaar ahaana shacabka reer Somaliland.

Waxa kaloo iyaguna tacsi u diraya madaxda sare ee xisbiyada iyo abwaannada Somaliland, waxaanay ilaahay u baryeyaan inuu janaddi fardawsa ka waraabiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland