Akhriso magacyada xildhibaanada gobollada W/qooyi ee Muqdisho lagu doortay
Isniin, December, 19, 2016 (HOL) – Magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay wareeg kale doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo todobaadyadii ugu danbeeyay hakad ku jirtay.
Guddiga doorashada heer federaal ayaa dib u fasaxay doorashada oo todobaadyadii ugu danbeeyayba hakad ku jirtay jirtay, kaddib markii la sheegay in leysku khilaafay ergada.
Waxaa doorashada maanta ku soo baxay lix xildhibaan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Haween , iyadoo xubnaha qaar ee guuleystay ay ahaayeen Xildhibaano cusub.
Kursiga Beesha Ciise, Dalool, Furlabe ayaa waxaa ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 25 cod, halka Sacaada Aadan Axmed ay heshay 22 cod, sidaas darteed waxay guusha raacday Kharda Tukaale.
Ismaaciil C/raxmaan Bashiir ayaa ku guuleystay Kursiga Beesha Sacad Yoonis, isaga oo helay 33 cod, waxaana uu ka guuleystay Xildhibaan difaacanayay kursigaas.
Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku guuleystay kursiga Beesha Ciise, gaar ahaan Jufada Haroone, waxaa uu helay 25 cod, waxaana uu si dirqi uga guuleystay Xaamud Cali Xasan oo ahaa Wasiir kuxigeenka Waxbarashada, waxaa uu Xaamud helay 22 cod, iyadoo 48 ergo kaliya ay codeyneysay Kursigan.
Sidoo kale waxaa Kursiga Beesha Sacad Yoonis waxaa ku guuleysatay Faadumo Ismaaciil Xuseen oo heshay 47 cod.
Suuri Diiriye Carab ayaa mar kale difaacatay kursiga ay ku fadhisay ee Beesha Habar Jeclo/ Maxamed Abokor, waxaa ay heshay 37 cod.
Hasse ahaatee doorashadii ugu xiisada badneyd ayaa waxaa ku tartamay labo walaalo oo kala ahaa C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge.
Waxaa ay natiijada doorashadaasi noqontay in C/raxmaan Axmed Suge uu ku guuleysto halka musharixii la tartamayay oo ahaa walaalkii Max’ed Axmed Suge uu hellay 4 cod oo kaliya, waxaase doorashadan xiise kale u sii yeellay codadka xumaaday oo gaarayay 18 cod.
Ugu danbeyntii, xubnahan maanta soo baxaya ayaa ka dhigan in doorashada guud ahaan xildhibaannada aqalka hoose ee gobollada W/qooyi
tahay mid heer gabagabo ah ku dhaw.
C/raxmaan Diiin, Hiiraan Online
[email protected]
More News
- Gaari dad la jiirsiiyay suuq weyn oo ku yaala dalka Jarmalka
- Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga oo goor dhaw toogasho lagu dilay [Sawiro]
- Daanyeero raxan raxan u socda oo xoolo ku weeraray deegaanno hoostaga gobolka Sool
- Madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya oo gaaray degmada Buuhoodle
- Dowladda Jabuuti oo deeq dawo ah ku wareejisay maamulka gobolka Hiiraan [Sawiro]
- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay jiraan Shuban biyoodka iyo Oof-wareen lagu arkay deegaana qaarkood
- Maydka gabdho lagu dilay Ottowa oo la aasay iyo walaalkood oo lagu eedeeyey dilkooda
- Qaar ka tirsan magaalooyinka Puntland oo korontadii ka tagtay kadib roobab mahiigaan ah
- Taliyaha ciidammada booliiska Puntland oo mamnuucay isticmaalka bacaha
- CPJ: Dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saxafiyiinta caalamka oo dhan oo hoos u dhacay
- Dawlada Kenya oo diiwaanka qaxootiga dib u eegid ku samaynaysa
- Yuusuf Xusseen Jimcaale’’ xildhibaanada cusub waa in ay soo celiyaan xuquuqdii gobolka Banaadir
- Doorashadii xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo maanta dib u bilaabaneysa
- Maamulka gobolka Sh/hoose oo ka warbixiyay dilka 11 ruux oo lagu eedeynayo ciidammada AMISOM [Sawiro]







