5/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2016
Ciidammada Puntland iyo xoogagga Daacish oo mar kale ku dagaalamay buuraha ku dhaw dhaw Qandala

Axed, December, 18, 2016 (HOL) -Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta meel u dhow degmada Qandala  kula dagaalamay xoogag ka tirsan kooxda Daacish oo dhawaan lag qabsaday degmada Qandala.ee gobalka Bari.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay maqlayeen hubka fudud oo labada dhinaca isku adeegsadeen,walina aysan arkin wax khasaaraha ah.

Sidoo kale,masuuliyiin ka tirsan Puntland oo warbaahintu ay khadka telephone ku la xiriiren ayaa ka gaabsaday ina ka waramaan khasaarihii so gaaray iyo kan ay gaysteen dagaalka maanta ee ka dhacay Aaga Qandala.

Dagaalyahanada ka tirsan ururka Daacish ayaa waxaa hogaamiya Sheekh C/qaadir Muumin horay Al-shabaab uga tirsan balse dhamaadkii sanadkii hore ku biiray ururka  Daacish.

Dhinaca kale,qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa HOL u sheegay in ay halka lagu dagaalmayo ay tahay degaan buuruha aad ugu badan yihiin,islamarkaana ay adag tahay in labada dhinaca ee diriraya ay si fudud u  kala guulaystaan.

Ugu danbaytii dagaalkan u dhaxeeyay ururka Daacish iyo ciidamadan ka tirsan Puntland ayaa ku soo beegmaya iyadoo degmada Qandala ay gacanta ku hayaan maamulka Puntland oo todobadii bishan kala wareegy isla  ururka Daacish.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Garoowe, Punttland, Soomaaliya