4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 23, 2016
Gaadiidka AMISOM oo Nin Waayeel ah goor-dhow ku jiiray Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho


Sabti, Abriil 23, 2016 (HOL) — Gaadiid ay wateen Ciidamada Ururka Midowga Afrika ee ka hawlgala Somalia [AMISOM]  ayaa goor-dhaw nin waayeel ah ku jiiray isgooska KM-4 ee Muqdisho, Waxaana Gaadiidkan is-hortaag ku sameeyay kana diiday inay baxsaan Qaar ka mid ah shacabkii halkaas ku sugnaa.

Ma ahan wax cusub inay AMISOM gaari shacab ku jiiraan, balse arrinka mudan in la xuso ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed ay is-hor-taageen gaadiidkii AMISOM ee waxyeellada geystay, iyagoo ku qasbay inay goobta ka qaadaan ninka gaarigooda ay jiir-siiyeen.

Sidoo kale, waxaa jirtay inay Ciidamada Soomaaliyeeed iyagana ay shacabka lasoo safteen oo ay ku khasbeen in ciidamada Midowga Midowga Afrika ee AMISOM ay waayeelka ay gaarigooda jiirsiiyeen qaaadan, isla markaana daaweeyaan.

Dhanka kale, Laba qof oo rayid ah ayaa lagu daray gaadiidka AMISOM, si ay ula socdaan xaaldaha dhibbanaha, tallaabadan oo ah mid geesinimo ah oo ay ku dhaqaaqeen Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Falkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo la xusuuto in afar qof oo shacab ah ay ciidamada AMISOM Toddobaadkii hore ku dileen duleedka Buulo-mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya