SAWIRRO: Danjiraha Mareykanka ee Somalia oo la kulmay Soomaalida ku nool Minnesota: Daawo
Jimco,
September 30, 2016 (HOL) — Safiirka Dalka Maraykanka ee Somalia, Spephen
Schwartz ayaa Shalay Kulan la yeeshay Bulshada Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Gobolka
Minnesota, isagoo horay ula kulmay Jaaliyadda Soomaalida eek Magaaladda Seattle-Washington.
Danjiraha
oo kulankii shalay ka hor la hadlay dadyow kala duwan Jaamacadda Minnesota,
hasa yeeshee kulankii shalay wuxuu ahaa mid gaar u ah Soomaalida.
Spephen
Schwartz oo ay wehliyeen xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka,
ayaa intii ay ku sugnaayeen Minneapolis soo booqday xarunta madxafka Hiddaha iyo
Dhaqanka Soomaalida ee Minnesota, Labada Suuq ee waa-weyn oo ay ku Ganacsadaan
Soomaalida deggen Minnesota.
Kulankii
shalay oo ay kasoo qayb-galeen xubnaha Jaaliyadda ayaa ka dhacay xarunta
dhaqanka Dadka Swedish-ka ah oo ku taalla Koonfurta Magaalada Minneapolis, Waxaana
ugu horreyn Halkaas Hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay Abdi Warsame oo ah guddoomiyaha
Dagmada Lixaad ee Minneapolis.
Intaas
kaddib, Waxaa isagana Warbaxin koobana siisay Danjiraha wafdigiisa C/rashiid
Sheekh Cali oo ka mida Xubnaha Jaaliyadda Soomaalida, Waxuuna uga warbaxiyay danjiraha
horumarka Soomaalida Minnesota iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen Gobolka.
Dhanka
kale, Waxaa ka hadlay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Spephen Schwartz oo ka
mahad-celiyay soo dhaweynta, waxuuna ka hadlay Qodobbo ka mid ah siyaasadda
Maraykanka ee Soomaaliya sida; Amniga, Taakulaynta Ciidamada iyo kuwo kale, Waxaana
si taxadar leh uga hadlay duqeymihii ka dhacay dulleedka Gaalkacayo oo uu
sheegay inuusan war xaqiiqo ah ka hayn siday wax u dhaceen.
Safiirka
Mareykanka ee Somalia, ayaa intaas kaddib la Weydiiyay Su’aalo kala duwan aad kaga boqan doontaan muuqaalka fiidiyowga ah ee la socda warbixintan.
Ugu
dambeyn, Xalay ayaa waxaa Casho-sharaf loogu sameeyay maqaayada East Village,
taasoo ay ka qayb-galeen wakiilka rugta ganacsiga Somalia ee Maraykanka, Amino
Jama Deeble, iyadoo Danjiraha iyo Wafidigiisuna ay aad ugu amaaneen
Soomaalida ku dhaqan Minnesota iyo Horumarada ka muuqda dhinacyada Ganacsiga
iyo ka Qayb-galka Siyaasadda Gobolka.
Siyad
Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota