4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2016
Guddiga Hir-gelinta Doorashada Dadban ee Somalia oo maanta ka hadlaya xilliga doorashadu dhacayso
Axad, September 25, 2016 (HOL) — Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee ka dhici doonta dalka Dhamdaaka Sanadkan 2016, ayaa lagu wadaa inay mar kale maanta ka hadlaan xilliga doorashada oo u badan tahay inuu dib u dhac ku yimid.

Xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqaan maanta dib u dhaca Doorashada oo Bishii Ogoosto ee Sannadkaan la Shaaciyay inay billaabanayso shalay oo ay ku beegnayd taariikhdu 24-ka September.

Jadwalkii hore ee Guddiga Doorashada Dadban soo saareen ayaa u qornaa sidan;

24-ka September, 2016; Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia
25-ka September, 2016; Doorashada Aqalka Sare ee Baarlmaanka Somalia

25-ka Oktoobar, 2016; Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya

30-ka Oktoobar, 2016; Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya


Sidoo kale, Qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada dadban ee Somalia, ayaa sheegay in Maanta ay ku dhawaaqayaan qorshe cusub oo ku aaddan Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo.

Ugu dambeyn, Inkastoo aan la ogeyn go’aanka ay guddiga doorashada Dadban ku dhawaaqi doonaan maanta, ayaa waxaa hadana jira Warar Hoose oo sheegaya in jadwalka doorashada dib loo dhigo, taasoo aan la ogeyn sida ay beesha caalamku ku aqbali doonto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya