4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2016
Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ka gaartay go’aan Khilaafkii kala Qaybiyay Xisbiga UCID (Sawirro)
Axad, September 25, 2016 (HOL) — Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maanta soo saartay go’aan ay ku soo Af-jarayso Khilaafkii Ragaadiyey xisbiga UCID ee labadda garab u kala jabay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Aadan Xaaji Cali ayaa ku dhowaaqay go’aankii ay ka gaadheen soo Af-jaridda khilaafka Xisbiga UCID, Waxaana ka mid ahaa go’aanadii ay ku dhawaaqeen sidatan:

1. Maxkamaddu waxaa ay go'aamisay in Xisbigu muddo  60-cisho gudaheed ah oo maanta ka bilaabanta uu ku qabsado shir aan caadi aheyn , isla markaana ergada Shir-weynahan loo raaci doono xeerka xisbiga .

2. maxkamadu waxaa ay  sheegtay in gudida qaban qaabada shirweynahas oo ka koobanan doona 10 qof ay kala qaadan doonaan min shan xubnood labada dhinacba  waxaana marjac u noqon doona hogaanka sare ee xisbiga UCID.

3. Heshiiska ay wada galeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseena waxa uu ansax noqonayaa marka la qabto shirwaynaha xisbiga.

4. Sidoo kale waxaa ay maxkamadu burisay qodobo ka mid ah go,aamadii gudida  diiwaan-galinta ururada siyaasigu ka soo saartey khilaafka xisbigan.

5. Maxkamadu waxay ayiday qodobada 4-aad, 5-aad 6-aad iyo 7-aad ee go’aanka Guddiga diiwaangalinta iyo ururada siyaasada.

Go’aankan Maxkamadda, ayaa wax badan ka duwanayn go’aankii Guddiga Diiwaan-gelinta ururadda hora uga gaadheen khilaafka xisbiga UCID.

Dhinaca kale, Jamaal Cali Xuseen iyo Faysal Cali Waraabe oo kala hogaaminayey labadda garab ee xisbiga u kala qaybsaday ayaa mid waliba dhankiisa ka soo dhoweeyey go’aankan maxkamadda sare ka soogaadhay khilaafkoodda.

Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan go’aankan Maxkamadda Sare, waxaanu yidhi “guddi qabanqaabo oo labadda dhinac ayaa loo qaybsanayaa, waxa la yidhi shirweynihiina qabsaday, heshiishkiina ha lagu dhaqmo, waanu soo dhaweynayaa go’aanka maxkamadda ka soo baxay, heshiishkii hore sidii ha loo ansixiyo maaha waa la qiimaynayaa ama waa la celin karaa ee waa la Ansixinayaa. Waayo, Waanu ayid-sannahay Go’aankaan, inkastoo qodobadda laga soo saaray aana wada akhriyin, balse intii lagu dhowaaqay waanu taageersanahay”

Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa isna soo dhoweeyey go’aankan, inkastoo isagu meeshaba ka saaray Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga, Cali Gurey oo uu sheegay in aanu isagu hogaanka xisbiga ka mid ahayn ee uu Faysal Cali waraabe magacaabay.

“Guushan soo baxay maaha mid Faysal leeyahay ee waa mid qaranka Somaliland leeyahay, waa guul xisbiga UCID leeyahay, waad og tihiin qaranka Somalinad halka aanu kaga jirno dhismaheedda, laba jeer baa xisbiga lagu soo duulay labadda jeerba waxaanu kaga guulaysana niyad wanaaga aanu SOmailand u hayno, anagu markii horaba maanu diidanayn Jamaal iyo tododba qof ee ka yimid UDUB inaanu heshiis la galnay, marna maanu diidayn in Jamaal nala shaqeeyey marka uu xisbigu soo baxayey, laakiin mar walba waxaanu lahayn heshiishka ha la dhamaystiro oo wuxuu ansax noqonayaa marka shirweynaha golaha dhexe lagu ansixiyo”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo soo dhoweeyey go’aankan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirweynahan ay ka soo qaybgalayaan uun intii shirweynihii saddaxaad ee xisbiga joogtay iyo ergooyinkii ka soo qaybgalay, waxaanu yidhi “waxa la isku soo noqday in shirweynaha caadiga la maraa xeerkiisa, oo sheegayaa waxa ka soo qaybgalaya golihii dhexe iyo ergooyinkii ka soo qaybgalay shirkii sadexaad ee 2012-kii, hogaanka xisbiguna waxa weeyi intii halkaasi lagu doortay, gudoomiyihii, gudoomiye ku xigeenkii waa dhintay, kii labaad wuu is casilay, xoghayihii iyo ku xigeenkiisa wuu jiraa, intaas weeyi hogaanka xisbigu, wixiii kale ee aan nagu magacownay ee awoodda na loo siiyey meeshaa keenaynaa inay ansixiyaan iyo inay diidaan, wax maxkamad la geeyo iyo wax ururadda diiwaangelinta loo geeyaba may ahayn”

Si kastaba ha ahaatee, way adag tahay in labadda garab xiitaa ku heshiiyaan shirweynaha, taas oo la filayo inuu buuq kale ka dhasho xulista ergooyinka iyo xubanaha dhexe, maadaama oo mid waliba sida uu wax u fahmay ku doodayo ama sida uu u doonayo.

Sidoo kale, Waxaa khilaaf kale ka iman doonaa hadalka Faysal Cali Waraabe uu meesha kaga saaray gudoomiye ku xigeenka 3aad Cali Gurey oo waayadan dambe si weyn isku hayeen, isagoo Faysal damacsan yahay inuu kala saaro Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Gurey oo markii hora isku ahaa hal dhinac, taasina waxay abuuri kartaa xasaasid kale oo ka dhex dilaacda xisbiga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland