4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 25, 2016
Gabdhihii Mombasa lagu dilay oo qaar ugu dambeyntii meydadkooda la aasay

Axad, Sitember 25, 2016 (HOL)-Dawlada Kenya ayaa ugu dambeyntii ogolaatay in la aasoo 2 meyd oo ka tirsanaa meydadka 3 gabdhood oo argagaxisonimo looga shakiyay oo dhawaan lagu dilay Mombasa, caasimada labaad ee Kenya.

Dadka meydadka iyo sababta loo dilay ama ay u dhinteen baara ayaa la sheegay in ay xabado kasoo saareen jirka gabdhahaa, dabcan waa xabado lagu dhuftay. Booliska ayaa toogtay gabdhahaa horraantii bishaan.
 
Booliska ayaa sheegay in ay gabdhahaasi saldhig biliis weerareen arinkaa oo muran xooggan dhaliyay gaar ahaan magaaladaasi Mombasa iyo guud ahaan Kenya ayadoo ururo xaquuqul insaanka u dooda ay sheegeen in gabdhahaasi aysan waxba galabsan.

Labo gabdhood oo kujiray 3 boolisku toogasho ku dileen 11kii bishaan ayaa ahaa walaalo mataano ah.
 
Labadaasi gabdhood ee la dilay ee mataanaha ahaa ayaa waxaa la kala oran jiray Maymuun C/Raxmaan Xuseen iyo Ramla C/Raxmaan Xuseen.

Waxaa meydadka gabdhahaa 2da ahaa lagu aasay qabuuraha Muslimiinta ee Manyimbo ee magaaladaasi Mombasa.

Gabadha 3aad oo lagu magacaabi jiray Tasniim Yacquub meydkeeda ayaa wali lagu wadaa baaritaan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]