3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 22, 2016
Sh. Shariif Axmed oo soo gaaray Muqdisho iyo Waddooyinka Qaar oo laga xiray Taageerayaashiisa (SAWIRRO)
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa soo gaaray Muqdisho, iyadoo Waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho laga xiray taageerayaashiisa.

Dadweyne badan oo taageerayaashiisa ah ayaa lagu arkayay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska lambar afar ee Muqdisho, halkaasoo ay buuxiyeen, iyadoo waddada lagu xiray gaadiidka ciidanka booliiska Soomaaliya.

Sh. Shariif Sheekh Axmed, ayaa looga adkaaday doorashadii Sannadkii 2012-kii ee uu kusoo baxay madaxweynaha Somalia ee xilka haya Xasan Sh. Maxamuud, wuxuuna ahaa murashaxii ay isla galeen tartankii u dambeeyay.

Waxaa lagu wadaa in Sh. Shariif uu Muqdisho kaga dhawaaqo inuu murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ku biiro, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynaha xilka haya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dabmeyn, Madaxweynihii hore ee Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa Muqdisho ugu dambeysay markii doorashadii sannadkii 2012-kii looga guuleystay, isagoo wixii xilligaa ka dambeeyay ku sugnaa dalka dibaddiisa, Waxaana imaashihiisa ay kusoo beegmayso iyadoo lagu wado in toddobaadka soo socda ay billowdaan xulista xildhibaannada cusub ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/22/2016 1:50 PM EST
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Daah-furay Shir heer Qaran ah oo Haweenka ay kaga Arrinsanayaan Hir-gelinta Qoondada 30% ah ee ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhawaan dhici doonta.

9/22/2016 1:23 PM EST
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Shariif Sh. Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dib u dhigay ku dhawaaqida musharraxnimadii madaxweynaha, kaddib hadal uu u jeediyay qaar ka mid ah taageerayaashiisa.

9/22/2016 1:09 PM EST
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay lix ka tirsan askarta Kenya ay ku Weerar ay maanta ku Qaadday saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Haamey oo ka tirsan Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi-bari ee Dalka Kenya, ayna weerarkaas ku soo furteen gaari dagaal oo ay lahaayeen booliiska Kenya.

9/22/2016 8:25 AM EST
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) —Maamulka degmada Godob-jiiraan ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay abaaro xoogan oo ku dhuftay qaybo kamid ah degmada iyo tuulooyin hoos taga degmada Eyl ,waxaana la soo sheegaya in dad badan ay ku barakaceen abaarahan.

9/22/2016 8:07 AM EST
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maanta shir jara’id ku qabtaay Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa si Faahfaasan uga hadlay Badda ay Dalalka Somalia iyo Kenya isku haystaan, Taasoo dacwadeedu ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ee Dalka Holland.

9/22/2016 7:23 AM EST
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Wasiirka Caafimaaadka Dalka Masar ayaa sheegay in tirada dhimashada Doontii ku degtay Badda Mediterranean-ka ee Magaalada Rosetta ay 42 qof ay gaarayaan hadda.

9/22/2016 7:19 AM EST
Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Laamaha Ammaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa shaaciyay in ay u diyaargaroobeen sugidda amniga doorashooyinka dadbadan ee lagu soo xulayo mudaneyaasha kamid noqon doona baarlamanka dalka ee ka soconaya magaalada Kismaayo.

9/22/2016 5:54 AM EST
Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Afar booliska Kenya ka tirsan ayaa la la' yahay kadib markii dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig boolis, degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

9/22/2016 3:51 AM EST
Khamiis, September 22, 2016 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa inuu soo gaaro Muqdisho, waxayna ku soo beegmaysaa xilli maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ka hor-istaageen in Warbaahintu ay shaqo u tagaan garoonka diyaaradaha Muqdisho muddo lixdan casho ah.

9/22/2016 3:25 AM EST
Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Dadka u ololeeya xaquuqul insaanka ayaa cadaadis dawlada Kenya kusaaraya in baaritaan lagu sameeyo dilkii loo geystay 3 gabdhood oo Soomaali ahaa 11kii bishaan magaalada Mombasa.

9/22/2016 2:26 AM EST
Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Dawlada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Baanka Aduunka ayaa shaaca ka qaaday qorshe lagu abuurayo 100 kun oo shaqo dalka Itoobiya si loo yareeyo qulqulka qaxootiga imaanaya Yurub.

9/22/2016 1:55 AM EST
Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Dad badan ayaa laga soo badbaadshay dooni shalay kula dagtay tahriibeyaal badda Mediterraneanka.

9/22/2016 1:10 AM EST
Khamiis, Sitember 22, 2016 (HOL)-Wasiirada Arimada Dibada ee Kenya Aamina Maxamed ayaa sheegtay in lala xiriirshay gabdho dhawaan booliska Kenya uu ku dilay Mombasa argagixiso ka jirta xeryaha Dhadhaab.