4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Madaxweynah Kenya, Uhuru oo Ururka IGAD ka dalbaday inuu ka shaqeeyo xasilinta Soomaaliya

Arbaco, Sitember 14, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka dalbaday xubnaha ururka IGAD  inay dardar galiyaan hawlaha ay ugu tala galeen xasilinta dalka Soomaaliya.

Kenya ayaa u aragta Soomaaliya jaar ganacsiyo badan ay ka dhexeyaan waxna ay kala faaiideysan karaan iminka.  Wuxuu Uhuru ku ammaanay madaxda Soomaaliya sida ay ugu dadaalayaan wajahida iyo wax ka qabashada caqabadaha dalkooda haysta.

Wuxuu shalay Salaasadii Uhuru kujiray madaxdii IGAD ee ka qeybgalay shir-madaxeedka ururkaa ee 28aad kaasoo maanta la filaayo inuu soo gabagaboobo.

Shirkaa ayaa ka dhacaya maalintii labaad Muqdisho ayadoo lagu wado inuu soo xirmo maanta galinka dambe.

Dhankiisa madaxweynha Uganda, Yuweri Kaguta Museveni ayaa sheegay in Soomaaliya ay kutillaabsatay tillaabooyin wanaagsan gaar ahaan dhanka xasilloonida iyo soo celinta amniga iyo kala dambeynta. Waxaa ku waafaqay raisul wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn.

Waxay ka qeybgaleyaashu ka wada hadleen ilaa shalay ilaa hada oo aanu warbixintaan qoreyno qodobo badan sida doorashada Soomaaliya ee soo socota iyo amniga Koofur Suudaan.

Maxbuub Macalim oo ah nin Soomaali Kenyan ah oo asagu ah Xog-hayaha Fulinta ee IGAD ayaa si kooban ugu sheegay ka qeybqaateyaasha shirka horumarada laga gaaray waanwaanta Koofur Suudaan ilaa iminka.

Ammaan darrada Koofur Suudaan ayaa gobolka culeysyo badan u keeneysa. Tusaale, qaxooti badan oo reer Koofur Suudaan ah ayaa galay Uganda iyo Kenya ayagoo kasoo baxsanaya colaada.

Sidoo kale ayaa waxaa halkaa ku burburay habsami usocoshadii iyo rajadii maalgashiga ee dadyowga dalalka jaarka ah ay ka wadeen Koofur Suudaan.

Hubka sharci darrada ah ayaa sidoo kale halkaa ka imaan kara oo gobolka oo dhan ammaankiisa wax u dhimi kara.

Dhanka kale, kadib muddo ku dhow 10 maalmood oo diyaaradaha qaadka Kenya ka qaada ee Soomaaliya geeya ay xayiraad saarneyd ayaa haatan waxaa dib loogu fasaxay in ay qaadka geeyaan dalka Soomaaliya mar kale.

Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ee shalay Muqdisho uga qeyb qaatay shir madaxeedkii IGAD waxay ku heshiiyeen in xayiraada laga qaado diyaaradaha Kenya jaadka ka qaada ee Soomaaliya jaadka geeya.

Waxay kaloo ku heshiiyeen in muddo bil ah gudaheed diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada loogu ogolaado in toos ay u yimaadaan Nairobi.

Waxaa hada lagu baaraa diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada garoonka Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya arinkaa oo Soomaalidu dhib ku qabto una aragto waqti lumis.

Baaritaanadaa Wajeer loo soo maro ayay ka cawdeen madaxda Soomaalida ayna codsadeen in loo ogolaado diyaaraduhu inay toos uga soo dagaan garoonka Jomo Kenyatta International Airport ama Wilson Airport ee Nairobi.

Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka ee Kenya ayaa waxaa soo gaaray khasaare ugu yaraan gaarsiisan tobanaan malyan oo doolar intii diyaaradaha qaadku xayirnaayeen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]