4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 9 , 2016
Duqeyn dad badan lagu dilay dalka Yemen

Xaquuqda masawirka/AP


Axad, Oktober 09, 2016 (HOL)-In ka badan boqol qof ayaa lagu soo waramayaa in duqeyn lagu dilay dalka jaarka ah ee Yemen.
 
Hayadaha samafalka ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 140 qof lagu dilay duqeynta magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen. Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudiga.


Dad badan oo goob tacsi ay ka jirtay ku sugnaa ayaa diyaaradaha dagaalka ee xulafada Sucuudigu laayeen.


Tacsidaa ayaa waxaa loo dhigayay aabaha waziir ka tirsan fallaagada Xuutiyiinta oo maalmo ka hor geeriyooday.


Xulufada Sucuudigu hor boodayo ayaa dagaal ba'an kula jira fallaagada Xuutiyiinta waxaana dirirtaa ilaa iyo haatan ku naf waayay dad badan oo gaaraya kumanaan kun halka barakac baahsana uu ka dhashay.
 
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]