4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2016
Nabadsugidda Gedo: Xogta kooxihii weeraray Mandheera waan la wadaagnay Kenya

Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Waaxda nabadsugidda Jubaland ee gobolka Gedo ayaa sheegtay in dowladda Kenya , gaar ahaan maamulka degmada Mandheera ay ku wargeliyeen xog ay heleen oo ku saabsanayd in kooxo ka tirsan Shabaab iska soo abaabuleen deegaano hoostaga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Taliyaha nabadsugidda gobolka Gedo Cali Xasan Deer oo la hadlay shabakadda HOL ayaa sheegay in maleeyshiyaad ka tirsan Amniyaadka Shabaab lagu soo wargeliyay in ay iska soo abaabuleen deegaan lagu magacaabo Gadoondhabe oo qiyaastii 50 KM dhanka koonfur kaga beegan degmada Baladxaawo, loona sheegay in ay duulaan soo qaadeen.



Taliyaha ayaa xusay in dowladda Kenya ay la wadaageen arrintaasi, ayna u sheegeen xogta ay heleen, islamarkaana ay ku wargeliyeen in ay macquul tahay in kooxahaasi Baladxaawo ama Mandheera midkood soo weeraraan, isagoo sheegay in dhanka Baladxaawo ay sameeyeen diyaargaroow xooggan.

"Dowladda Kenya waan is dhaafsannaa xogaha ku saabsan dhanka Amniga, waana u gudbinnaa wixii aan ka shakinno," ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Weerar ay Al-shabaab ku qaaday hoteel ku yaal magaalada Mandheera ayaa sababay dhimashada 12 qof, ayadoo dowladda Kenya ay sheegtay in weerarkaasi laga soo abaabulay gudaha Kenya, islamarkaana ay fuliyeen kooxo burcad ah oo deegaanka u dhashay.

Balse shabakad xiriir la leh Al-shabaab ayaa baahisay in weerarkaasi ay ka danbeeyeen Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.