3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 26, 2016
Midowga Yurub oo ku caawiyay Soomaalida inay wadaagaan waayo-aragnimada manhajka waxbarasho dagaalka sokeeye ka dib

Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Waxaa Nairobi dalka Kenya lagu qabtay siminaar labo maalmood ahaa oo looga hadlaayay manhajka waxbarashada Soomaaliya ee dagaalka sokeeye kadib.

Siminaarka ayaa waxaa maal galiyay ururka midowga Yurub.  Waxaa ka soo qeyb galay hayadaha waxbarasho ee Soomaaliya.

Sidoo kale ayaa waxaa siminaarkaa kasoo qeyb galay khubaro qaabilsan waxbarashada iyo masuuliyiin kale oo kasoo kala jeeda daafaha caalamka.

Waxaa siminaarkaasi intii uu socday ay kasoo qeyb galeyaashu dib u eegid ku sameeyeen dadaalada ilaa iminka loogu jiro hirgalinta manhaj guud oo mideysan oo Soomaaliya ay yeelato.

Waxay sidoo kale wadaageen xogta ku saabsan qaabka shaqo ee manhaj cusub iyo siyaabaha ugu wacan ee loo heli karo manhajka cusub ee dalka Soomaaliya uu yeelanayo.

Siminaarkaa ayaa intii uu socday waxaa la niqaashay siyaabihii loo dardar galin lahaa u hirgalinta manhaj cusub oo mideysan oo hal qura ah dhammaan qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Siminaarka ayaa waxaa hase ahaatee soo abaabulay ururka Sanduuqa Waxbarashada Afrika ee AET waxaana ka soo qeyb galay 34 qof oo kakala yimid Somaliland, Puntland iyo koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, Jubaland, Galmudug iyo weliba maamul goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya, xubno ka socday USAID iyo Baanka Aduunka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected] 


 













Click here
10/26/2016 1:05 PM EST
Arbaco, Oktober, 26, 2016 (HOL) -- Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo goor dhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Jowhar, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

10/26/2016 11:35 AM EST
Arbaco, Oktoobar 26, 2016 (HOL) — Xoogag ka tirsan Ururka DAACISH, ayaa Maanta la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Qandala ee gobalka Bari, Taasoo Qiyaastii 75-KM u jirta Magaalada Bassaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland.

10/26/2016 10:36 AM EST
Arbaco, Oktoobar 26, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, ayaa war-fidiyeenka u akhriyay go’aanno dhowr ah oo ka so baxay guddiga ammaanka gobolka Nugaal, kuwaas oo uu ku sheegay inay ku xoojinayaan Wada-shaqeynta Xiriirka iyo Xog-is-dhaafsiga ka dhaxeeya Laamaha Amniga Gobalka Nugaal.

10/26/2016 10:29 AM EST
Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Jaamacadda Bariga ayaa maanta heshiis isugu jiray is-afgarad iyo iskaashi la saxiixatay jaamacadda Kampala University ee dalka Uganda ka dib kulan maanta lagu qabtay xarunta East Africa ee magaalada Bosaaso.

10/26/2016 10:17 AM EST
Arbaco, Oktoobar 26, 2016 (HOL) — Xukuumadda Gambia, ayaa ku dhawaaqday inay ka baxayso Maxkamada Dambiyada Aduunka ee ICC oo xarunteedu tahay Magaalada Hague, iyadoo Dalka Gambia uu noqonayo waddankii saddexaad oo Afrikaaan ah oo ku dhawaaqa inuu ka baxayo Maxkamaddan.

10/26/2016 7:39 AM EST
Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Dagaal-yahano ka tirsan ururka Daacish ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Qandala ee gobolka Bari , iyadoo uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmada markii ay soo galayeen kooxdan.

10/26/2016 7:36 AM EST
Arbaco, Oktoobar 26, 2016 (HOL) — Ciidamada dalka Itoobiya ayaa saakay isaga baxay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, iyadoo markiibana ay la wareegeen xoogag Al-sabaab ka tirsan, sida ay sheegeen Madax Maamulka Koonfur-galbeed ka tirsan.

10/26/2016 4:47 AM EST
Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Kulan looga hadlaayay Islam nacaybka kubadanaya dalkaan Maraykanka & gaarahaan dhacdadii magaaladda Kansas Garden City too aheyd in laamaha amniga gobolkaas ay qabteen 3 nin oo lagu eedeeyay inay qorsheenayeen inay qarxiyaan dhismo kakooban masjid iyo degaan isku dhex yaal oo ay leeyihiin Soomaalida magaaladaa, kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Voice of East African Women ayaa ahaa mid loogahadlay qadobo dhawra.

10/26/2016 3:12 AM EST
Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Waaxda nabadsugidda Jubaland ee gobolka Gedo ayaa sheegtay in dowladda Kenya , gaar ahaan maamulka degmada Mandheera ay ku wargeliyeen xog ay heleen oo ku saabsanayd in kooxo ka tirsan Shabaab iska soo abaabuleen deegaano hoostaga degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

10/26/2016 12:40 AM EST
Arbaco, Oktober 26, 2016 (HOL)-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga Mudane Daahir Maxamud Geelle oo ay la socdaan ku xigeenkiisa mudane Saalim Macow Xaaji iyo Xoghayaha 3aad Mudane Cabdullaahi Ibraahim Aadan ayaa garoonka militeriga ee Boqor Salmaan ee magaalada Riyadh ku soo dhoweeyey dadkii ku dhaawacmey qaraxyadii kala duwanaa ee waayahan dambe ka dhacay magaalada Muqdisho.