4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 1 , 2016
FAAHFAAHIN: Khasaaraha Qaraxii Maanta ka Dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo Sheegatay

Sabti, Oktoobar 01, 2016 (HOL) — Ugu yaraan Saddex ruux ayaa ku dhintay, Lix ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka xabsi ay hay’adda nabad-sugiddu ku leedahay Muqdisho oo lagu magacaabo Godka Jilicow, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Qaraxaan, ayaa lagu Weeraray maqaayada Blue Sky oo laga cunteeyo, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad badan xilliga Qaraxan uu dhacayay, balse saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga Dowladda ayaa khasaaraha ku sheegay laba Qof oo keliya.

Goobjoogayaal ku suganaa agagaarka maqaayada la weeraray ayaa laga soo xigtay inay arkeen maydadka saddex qof iyo dhaawaca lix ruux oo kale oo la sheegay inay inay ahaayeen shacab.

Sidoo kale, Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ay beegsanayeen Xubno ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin sirdoonka Somalia oo maqaayada la weeraray ku sugnaa.

“Waxaanu Qaraxa ku beegsanaynay Saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida Somalia, gaar ahaan xubno ka hawl-gala Godka Jilicow oo ku sugnaa maqaayadaas,” ayuu yiri Sh. C/casiis Abu-Muscab oo la hadlay Warbahinta, isagoo intaas ku daray. “Weerarkaas waxaan ku dilnay 10 ruux.”

Dhanka kale, Waxaa la sheegayaa in laba ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaan uu dhaawacoodu fufud yahay, iyadoo dhaawacyada lagu hadda lagu daweynayo isbiatallo ka mid ah kuwa Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Qaraxaan ayaa khasaare gaarsiiyay gaadiid yaallay agagaarka Maqaayadda la weeraray, waxaa kaloo uu burbur soo gaaray dhismihii ay ku taallay maqaayaddan oo ay dad badan wax ka cuteyn jireen.

Xuquuqda Sawirrada SONNA

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya