
Talaado, Nofeembar 08, 2016 (HOL)-QM ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay in ugu yaraan 150 askari ciidamada Kenya ee KDF looga dilay Ceel-cadde koofurta Soomaaliya bishii kowaad ee sanadkaan.
Warbixintaas oo ah 274 bog ayaa sidoo kale xustay in kooxda al-Shabaab ay wali nolosha ku hayso tiro ciidamada Kenya ah.
"Laga soo bilaabo markii ciidamada KDF la afduubtay waxaanu helnay xog muhiim ah oo kusaabsan halka askartaa lagu heysto." Qeyb ka mid ah warbixinta ayaa sidaa lagu xusay.
Dhawaan ayaa al-Shabaab ay soo deysay muuqaal fiidiyow ah oo askari ay heystaan oo Kenyan ah uu ku codsanaayo in dawlada Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya si loo sii daayo ayna sidoo kale ka shaqeyso sidii loo sii deyn lahaa.
Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]