4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2016
Beesha Caalamka oo walaac xoogan ka Muujisay Tagitaanka Cabdifataax uu Tagay Baladweyne


Guddoomihii hore ee gobolka Hiiraan mudane C/fataax Xasan Afrax


Jimco, May 06, 2016 (HOL) — Shir bishiiba mar la qabto oo loogu magac-daray PSG1 (Peacebuilding and statebuilding goals) oo qayb ka ah "NEW DEAL", kana dhacay hoolka shirarka ee AMISOM VIP - MIA, Mogadishu  ayaa waxaa looga hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; dastuurka, doorashada 2016-ka iyo maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe.

Safiirrda UK, Sweden u fadhiya Somalia, oo ka hadlayay maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, ayaa sheegay in tegitaankii uu tagay Baladweyne guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax uu khatar ku yahay geeddi-socodka dhismaha maamulka labadan gobol. Waxaa sidoo kale arrintaas walaac ka muujiyay wakiilka hay’adda Caalamka oo dhan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax, ayaa shaqada looga qaaday kaddib markii lagu eedeeyay dilkii marxuum Mahdi Xuseen Shiiqaal oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, shirkaan ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf,iyagoo lagu tilmaatilmaamay mid aan loo marin wadadii saxda ahayd.

Ugu dambeyn, Xubnihii shirka kasoo qaybgalay ayaa waxay ku taliyeen si guul looga gaaro dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, in dawladu ay xoog saarto heshiis lala gaaro Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo duubabka kale ee dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya