4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2016
Madaxweynaha Jubaland oo Maanta Magacaabay Labadiisa Madaxweyne ku Xigeen [Daawo Video]
Axad, May 15, 2016 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha dowaladda Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu magacaaba madaxweeyne kuxigeennada 1-aad iyo labaad ee Jubaland.

Wareegtadan ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay afhayeenka dowladda Jubaland C/naasir Seeraar Maax, Waxaana Madaxweyne ku xigeenka koowaad loogu magacaabay Maxamuud Sayid Aadan, iyadoo ku xigeenka labaad mar kale loo magacaabay, C/qaadir Xaaji Maxamuud [Luga-dheere].


Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka mid ahaa Siyaasiyintii dhawaan Magaalada Kismaayo kula Saxiixday heshiiska Jubbaland, Wuxuuna hore Madaxweyne ku xigeen uga soo noqday Maamulkii la magacbaxay Koonfur Galbeed ee uu hogaamin jiray Madoobe Nuunow Maxamed.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya