4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2016
SAWIRRO: Kulan la isku Fahmi waayay oo dhex-maray Duubabka dhaqanka iyo Madaxweynaha

Sabti, Maarso 26, 2016 (HOL) — Waxaa mar kale guul-darro kusoo dhamaaday kulan ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo HOL la hadlayay ayaa sheegay in madaxweynaha Somalia ay kawada hadleen saddex qodobo oo kala ah; dib-u-hishiisiin, in gobolka Hiiraan la siiyo xaqa Toddobadii Gobol kale ee Soomaaliya ay heleen iyo in Soomaalidu wax ku Qaybsato siddeedii gobol ee Soomaaliya iyo qodobka saddexaad oo ahaa in gogosha shirka dhismaha maamulka labada gobol loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa intaas ku darray in Madaxweyne Xasan uusan wax jawaab ka siin dhamaan qodobadii ay kala hadleen.

“Madaxweynaha Somalia, waxaan u sheeganay saddexdii Qodob ee aan ka Wada-hadalnay RW Sharma'arke, siddexdii qodob ee aanu hor-dhignay... wax jawaab ah nagama siin sidaa ayaana ku kala tagnay,” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Kulanka oo ahaa mid adag ayaa markii uu soo dhamaaday, wuxuu Ugaas Xasan bartamaha Magaalada Beledweyne kula hadlay boqollaal shacab ah oo isugu soo baxay, kuwaas oo si weyn Diirrada u saarayay Waxa kasoo bixin doona Kulanka Madaxweynaha iyo Duubabka dhaqanka.

Dhinaca kale, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ku booqday Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne dadka ku dhaawacmay dibadbixii maanta ka dhacay magaalada, isaga oo kala hadlay howl-wadeennada isbitaalka xaalada caafimaad ee dadka dhaawaca ah.

Kulankan, ayaa noqonaya kii labaad oo dhex-mara Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Max'uud iyo Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo wax is-af-garad ah aan laga gaarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya