Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo safiiro heer caalami ah oo maanta gaaray Beledweyne
Arbaco, Juun, 22, 2016 (HOL) Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo safiirada dowladdaha Turkiga, Qadar, Jabuuti, iyo Yaman, ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xubnaha gollaha wasiirada ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka ammniga xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Max'ed, Wasiirka arrimaha dibada C/salaan Hadliye, wasiiru-dowlaha wasaarada arrimaha gudaha C/rashiid Max'ed Xidig iyo xubno kale, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo.
Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa qeyb ka aheyd gargaarka loo fidinayo dadka dhibateysan ee sameynta ay ku yeellatay fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne, iyaga oo mudadii koobneyd oo ay ku
sugnaayeen magaalada gargaar raashin ah u qeybiyay boqolaal dad danyar ah.
Wasiirka ammniga, C/risaaq Cumar Max'ed ayaa sheegay in dowladda federaalka intii ay awoodo gacan ka geysan doonto sididii loo caawin lahaa dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku dhaqan
magaalada Beledweyne.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa dhinaciisa sheegay in dhibaatada jirta looga bixi karo oo kaliya in ay la is cafiyo, islamarkaana dadku isku gurmadaan.
Safiiradii ka socday waddamada caalamka ee wafdiga qeybta ka ahaa ayaa gacantooda ugu qeybiyay boqolaal dad danyar ah raashin gargaar ah oo ay ugu talla-galeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
More News
- Shirkii madasha wadatashiga Qaran oo Baydhabo ka furmay
- DAAWO: Wafdi ka Socday IGAD iyo Itoobiya oo Maanta la Kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
- PUNTLAND: Warbaahintu ma Wareysan karto Cid Xiriirka la leh Daacish iyo Burcadbadeeda
- SAWIRRO: Bayaan laga soo Saaray Madal loogu Magac-daray Madasha Badbaadada Galmudug
- SAWIRO: Madaxweyne Xasan oo u tagay Baydhabo ka Qayb-galka shirka Madasha Wada-tashiga
- Guddoomiyaha Mudug ee Puntland oo ka Warbixiyay Dilkii isku-duwahii Wasaaradda Qorsheynta
- Kenya: Lix Qof oo Looga Shakiyay Argagaxisonimo oo Lagu Xiray Degmada Kwale
- Taliyihii nabadsugidda gobolka Shabeelaha dhexe oo ay ilaalidiisa dishay
- Shirka Madasha Wadatashiga oo Maanta Lagu Wado inuu Ka Furmo Baydhabo
- Xaalad Cabsi oo ka taagan Degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose oo ay ku dhawaatay Al-shabaab
- Koofur Afrika: Dukaamo Soomaali Leedahay oo La Boobay
- WARBIXIN: Midowga Afrika oo Wada Qorshe Afrika loogu Sameynayo Baasaboor ka Dhexeeya