5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2016
BELEDWEYNE: Taliska Ciidanka Booliiska oo ka digay in Gudaha Magaalada hanti lagu kala dhaco


Khamiis, Juun 16, 2016 (HOL) — Iyadoo ay maalmihii dambe sii kordhayeen gadiidka la kala dhacayo deegaannada gobollada dhexe, ayaa waxaa arintaa ka digay taliska booliiska magaalada Beledweyne oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin in hanti qof leeyahay qof kale iska heysto.

Taliyaha Qaybta Booliiska Magaalada Beledweyne Col, Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla oo kula hadlayay Warbaahinta Gudaha Degmada Beledweyne, ayaa sheegay in maalmihii ugu Dambeeyay arinta ku saabsan Hantida la kala Qabsanayo ay ku sii Kordheysay Magaalada, sidaa awgeed Hay'adaha ammniga amar ku qabaan in ay tallaabo  ka qaadaan dadka falalka noocaa oo kale ah ku kacaya.

“Maalmihii u dambeeyay waxaa na soo gaarayay warar ku saabsan in dad shacab ah arrimo ammniga ka dhan ah ku kacaya, saldhig boolis ayaa jira, hay'addo ammni ayaa shaqeynaya looma dulqadan doono in hanti ruux leeyahay qof kale Sharci -arro isaga haysto, Arrintaas tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa,” ayuu yiri taliyaha.

Gadiidka oo ah hantida ugu badan ee la kala qabsado ama la kala dhaco ayaa waayadii ugu Dambeeyay ku soo kordhayay deegaanada gobollada dhexe oo ay magaalada Beledweyne ka mid tahay.

Taliyaha, ayaa sheegay in qof kasta oo hanti ka maqan tahay looga baahan yahay in uu soo gaarsiiyo cabashadiisa hay'addaha ammniga isaga oo aan qaadin tallaabo intaa dhaafsiisan.

Ugu dambeyntii, waa markii ugu horeysay oo taliska booliiska degmada Beledweyne uu ka hadlo arintan  oo mudo dheer soo jiitameysay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya