3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 26, 2016
Kooxda Puntland oo ku Guuleysatay Koobkii Kubadda Cagta ee Maamul-gobollada Dalka (Sawirro)

Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Cayaartoydii Maamulka Puntalnad, ayaa ku Guuleysatay Koobka Kubadda Cagta ee Maammul-goboleedyada Dalka ee Muqdisho ka socday, kaddib markii ay galabta ka adkaadeen xulkii Jubbaland.

Garoonka Banaadir Stadium, waxaa soo buuxiyay taageerayaal badan oo kala taageerayay labada kooxood, waxayna cayaartu ku billaabatay dar-dar ay muujinayeen kooxaha, iyagoo kala dhaliyay 1-1 oo markii ay cayaartu socotay afar daqiiqo oo keliya.

Sidoo kale, Cayaartan oo ahayd middii kama dambeysta ahayd, waxaana ka mid ahaa daawadayaashii cayaarta Mas'uuliyiinta ugu Sarreeya Dalka Sida; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, RW Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Somalia, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Qaybtii hore ee Cayaarta ayaa lagu kala nastay Bar-barro 1-1 ah, Waxaana markii la isugu soo noqday Qaybtii labaad, ayaa Cayaartoyda labada kooxood waxay muujiyeen cayaar aad loo jeclaystay, iyadoo koox walba ay doonaysay inay gool dhaliso si ay koobka ugu guuleysato, inkastoo aan wax gool ah la iska dhalin, xilligii cayaarta loogu talo-galayna ay ku dhammaatay bar-barro.

Guddiga Cayaarta Maamulayay ayaa waxay ku dareen cayaarta 30-daqiiqo oo dheeraad ah, mana jirto wax goolal oo kooxuhu ay iska dhaliyeen, inkastoo ay heleen fursado ay goolal ku dhalin kareen. Intaa kaddib ayaa waxaa labada kooxood loo dhigay gool-ku-laadyo si loo kala saaro.

Rigoorayaasha, ayaa waxaa ku badiyay kooxda Puntland oo dhalisay 5-gool, halka Kooxda Jubbaland ay dhalisay 3-gool oo keliya, sidaasna ay ku qaaday Kooxda Puntland Koobka Maamul-goboleedyada Somalia ee Muqdisho lagu qabtay.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoonsiiyay Kooxdii ka Socotay Puntland Koobkii loo Tar-tamayay, Waxaana Madaxweynuhu uu ugu Hambalyeeyay Kooxda Puntland guusha ay gaareen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/26/2016 4:05 PM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Muqdisho waxaa maanta ka furmay Kulan-cilmiyeed ay soo Qaban-Qaabisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo looga dhigay cinwaan 'Doorka Waxbarashada Sare ay ku leedahay bulshooyinka ka soo kabanaya colaadaha, iyadoo la tiigsanayo hal-beegyada caalamiga ah ee Waxbarashada Sare.

7/26/2016 11:17 AM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Mudaharaad ballaadhan ayaa manta Magaaladda Burco iyo Berbera ka dhacay, kuwaasoo looga soo Hor-jeeddo xukunkii maxkamadda Militariga ku xukuntay sideed qof dil toogasho ah.

7/26/2016 9:54 AM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku dhinteen ugu yaraan 13-ruux oo ciidammo ilaalo ahaa u badan, ayna ku dhaawacmeen shan ruux oo kale.

7/26/2016 9:34 AM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Cambaareeyay Weerarkii maanta ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay u dhinteen ugu yaraan 15-qof, ayna ku dhaawacmeen 20-qof oo kale.

7/26/2016 7:27 AM EST
Talaado, Luuliyo 26, 2016 (HOL)-In ka badan shan askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ee KDF ayaa dhaawacmay kadib markii taangi ay saarnaayeen miino ku kacday maanta.

7/26/2016 4:27 AM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 11-ruux oo isugu jira Ciidammo iyo Dad Shacab ah ayaa ku dhintay laba Qarax culus oo maanta ka dhacay Agargaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho, gaar ahaan inta u dhexeysa Albaabbada Xalane iyo Garoonka laga kala galo.

7/26/2016 4:03 AM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) —Xulalka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada Soomaaliyeed ee Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in maanta gelinka danbe ay ku wada dheelaan garoonka kubadda cagta Koynis ee magaalada Muqdisho.

7/26/2016 4:03 AM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa xilkii madaxweyne ku xigeenka Waddankaas laga qaaday iyadoo lagu bedelay Taban Deng Guy oo ahaa mas'uulkii mucaaradka uga qaybgalay wada-hadalladii nabadeed ee lagu qabtay Addis Ababa.

7/26/2016 3:19 AM EST
Talaado, Luuliyo 26, 2016 (HOL)-Hoggaamiyeyaasha ururka dalalka jaamacada Carabta ee ka qeyb qaadanaya shirweynaha Carabta ee kasocda maanta caasimada dalka Mauritania ayaa ballan qaaday isla markaana wacad ku maray in ay ka adkaan doonaan argagaxisonimada.

7/26/2016 3:11 AM EST
Talaado, Luuliyo 26, 2016 (HOL) - Waxaa si habsami leh maalintii labaad uga socda garoonka Centinal Part Stadium tartankii K. Cagata ee sannadlaha ahaa ee SomaliWeek oo ay soo qabanqaabiyeen ururka TODAY.

7/26/2016 3:04 AM EST
Talaado, July 26, 2016 (HOL) — Qarax aadu Culus ayaa Goor-dhaw ka dhacay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan baar ku dhaw jidka isku xirta irridaha Garoonka iyo Xerada Xalane oo saldhig u ah AMISOM.

7/26/2016 1:40 AM EST
Talaado, Luuliyo 26, 2016 (HOL)-Aroornimadii saaka nin mindi ku hubeysnaa ayaa dilay ilaa labaatan qof gudaha dalka Japan.