4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 5 , 2016
MARXUUM Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo goor-dhaw lagu aasay qubuuraha Daaro-ugaas


Talaado, Janaayo 05, 2016 (HOL) —  Maydka ALLAHA u naxariisteen, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa goor-dhaw lagu Aasay Qubuuraha Daaro-Ugaas oo 7-km Dhinaca Bari kaga beegan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadkii goob-jooga u ahaa Aaska Ugaas ayaa HOL u sheegay inay Aaska ka qaybgaleen kumannaan dadweyne ah oo ka kala yimid guud ahaan Degmooyinka gobolka Hiiraan, sida; degmooyinka Buula-burte, Jalalaqsi, Halgan iyo deegaanada ku hareereysan, halka boqolaal kale oo ruuxna subaxnimadii hore ee saakay meydka Ugaaska ay ka raaceen degmada Beledweyne.

Dadweynihii ka qayb-galay Aaska Ugaaska ayaa halkaas Alle uga baryay inuu marxuumka ka waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaan ehellada iyo Qoyskii uu ka tagayna Samir iyo Amiin uu ALLE ka siiyo, iyagoo ku sifeeyay inuu Ugaas C/raxmaan ahaa shakhsi naxariis badan oo mar walba u taagnaa walaaleynta bulshada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya